Al-Shabaab oo haysa Burburka Diyaarad ay Kenya ka soo rideen & Jawaabta dawladda Nairobi

Kismaayo(Aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab, ayaa gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ku soo riday Diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dawladda Kenya, waxaanay Al-Shabaab sheegtay inay gacanta ku hayso Burburka diyaaraddaas, taasoo ay dawladda Kenyana ka hadashay.

four-killed-in-kenya-air-crash-1345665836-2671

Diyaaraddan ay leeyihiin Ciidammada Millateriga dawladda Kenya, ayaa wararka laga helayaa waxay sheegayaan, inay diyaaraddani ku dhacday degaan u dhexeeya Buuloguduud iyo Birta Dheer.

Wararku sheegayaan in goobta ay diyaaraddu ku dhacday ay dul wareegayeen diyaarado kale oo ay leeyihiin ciidamada milatariga ee Kenya. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay la kulantay cillad-farsamo.

Dhinaca kalena ururka al-Shabab ayaa sheegtay iyagu inay soo rideen diyaaradda. Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen. Af-hayeen u hadlay Malleeshiyada Al-Shabab, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Burburkii diyaaradda iyo Meydka qof duuliye ah.

Sidoo kale, dad goob-joogayaal ah oo ku sugan agagaarka degmada Buula-guduud ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo aannu warkan ka soo xigannay u sheegay in diyaarado loo malaynayo inay yihiin kuwa Kenya ay maanta duqeeyeen laba goobood oo dhinaca Waqooyi ka xigta degmadaasi.

Duqaynta ayaa la sheegay inay ka dhacday meel ka mid ah kaynta lagu magacaabo Dhasheegga iyo Baar Sanguuni. Degaanka ay diyaaraduhu beegsadeen ayaa la sheegay inuu saldhig u yahay maleeshiyada ajaanibta ah ee la jooga ururka al-Shabab.

Khasaaraha ilaa hadda ma cadda. Diyaaradaha ayaa la sheegay in dhowr bambo ay ku tuureen Dhasheegga, sda ay goobjoogayaashu sheegeen. Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay duqaynta cirka ee ka dhanka ah ururka al-Shabab kadib markii maleeshiyada ururka ay weerarro dad badani ku dhinteen ay gaysatay agagaarka magaalada Mandera.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.