Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashada Somaliland oo Xisbi ku biiray Xukuumaddana eedeeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka Guddigii doorashooyinka Qaranka Somaliland ee wakhtigu ka dhammaaday 29-kii bishii October ee sannadkan 2014-ka Cali-Khadar Xasan Cismaan (Cali-Kubbad), ayaa shaaca ka qaaday inuu Khamiistii maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ka dib markii sida uu sheegay muddooyinkii u dambeeyey-ba indha-indhaynayey Xisbi uu ka mid noqon karo.

wwwwwwww DHAANTO WADDANI

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Shaqada ka tegaya ee doorashooyinka Somaliland Cali-Kubbad, waxa uu ka mid ahaa Taageerayaal iyo Siyaasiyiin Khamiistii ku biiray Xisbiga WADDANI oo ay Masuuliyiintiisu ku qaabbileen Munaasibad ay ugu qabteen Huteel Crawn ee magaalada Hargeysa.

Cali-khadar Xasan oo hadal ka jeediyey Munaasibadda soodhawaynta ahayd ee WADDANI u sameeyey, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee talada Somaliland haysa ku eedeeyey caddaalad-darro iyo Maamul-xumo murug badani ka muuqdo, sidaa awgeedna waxa uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka mid noqdo Xisbiga WADDANI si is-beddel Siyaasadeed oo buuxa looga sameeyo Somaliland.

“Intii aan Guddiga doorashooyinka ku jiray waxaan indho-indhaynayay ciddii (Xisbigii) aan ku biiri lahaa. Markaas, waxaan go’aansaday in aan ku biiro Xisbiga WADDANI, markii aan arkay caddaalad-darrada Xukuumadda maanta talada dalka haysa hadheeyey.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Khadar Xasan.

Guddoomiye Ku-xigeenkii Guddiga doorashooyinka Somaliland Mr. Cali oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Miyaad argteen nin lagu yidhi markaannu aragnay inaad madhan tahay oo aanad xilka hanan karin xilkii waannu kaa qaadnay haddana lagu soo celiyay, waa caadooyinka Xukuumadda maanta talada dalka haysa.”

Inkasta oo Guddiga doorashooyinka Somaliland ee uu Cali-khadar Guddoomiye Ku-xigeenka ka ahaa wakhtigoodii sharciga ahaa ku dhammaaday 29-kii October 2014 oo ah sannadkan aynu ku jirno, haddana weli si rasmi ah xilka umay wareejin, waxaana la filayaa malmaha soo socda marka la dhaariyo toddobada Xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka oo toddobaadkii hore Golaha Wakiilladu ansixiyeen ay la wareegi doonaan xilka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.