“Dagaalka Daacish Wuu Soconayaa, waana wadaynaa illaa inta….” John Kerry

Washington(Aftahannews):- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa ka sheegay kulan heer sare ah oo ay leeyihiin 60-ka dal ee ku bahoobay la dagaallanka Daacish, in uu sii socon doono dagaalka ka dhanka ah ururkaasi.

Kerry ayaa intaa ku daray in Daacish ay khatar ku tahay dhammaan danaha dalalka ku jira xulafada. Kulanka oo ka furmay xarunta gaashaanbuurta NATO ee Brussels, ayaa waxaa ka qeyb galaya ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabadi iyo wasiiradda arrimaha dibadda ee Yurub, Carabta iyo dalal kale.

Waxaa kulanka looga hadlii doonaa qaabka ugu wanaagsan ee looga adkaano karo Daacish, iyo sida loo joojin karo dagaalyahannada dibadda uga imanaya ururkaasi ka dagaallama Ciraaq iyo Suuriya.

Dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa isku fahmi la’ qaabka ay isaga kaashanayaan dagaalka Daacish. Turkiga ayaa doonaya in dhul ammaan ah laga sameeyo soohdinta uu la wadaago Suuriya, ka hor inta aanay ogolaan in garoomadiisa ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka ee xulafada.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.