Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan-Cadde

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan afar Ruux oo uu ku jiro mid ka mid ah Saraakiisha Nabad-sugidda dawladda Soomaaliya ka tirsan, Qarax Ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday Gaadiid ay lahayd Qaramada Midoobay oo marayay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

qarax ka dhacay muqdisho aadan-cadde

Is-miidaamintan oo ahayd mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku jiray ilmo yar. “Dhowr qof oo dhintay ayaan arkay, illaa afar qof ayaan sheegi karaa, waxaa ku jiray ruux xirnaa dharka ciidamada dowladda iyo ilmo yar.” Sidaa ayuu yidhi Goob-jooge u warramay Hiiraan.com oo aannu warkan ka soo xigannay.

Sarkaalka ku dhintay qaraxa Ismiidaaminta ah ayay wararku sheegayaan inuu ahaa taliyaha ciidamada nabadsugidda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasoo aan magaciisa la sheegay illaa hadda. Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa xiray waddada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM-4, kuwaasoo mararka qaar ridayay rasaas ay dadka ku kala eryayeen.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo labadii habeen ee lasoo dhaafay aad loo adkeeyay ammaanka waddadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, kuwaasoo ay ku jirto waddada gasha garoonka diyaaradhaa Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sidoo kalena weli kama aysan hadlin weerarkan hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, isagoo qayb ka noqonaya kuwo horay loogu weeraray gaadiidka hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ka howlgala.

Xigasho Hiiraan.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.