Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Hong Kong oo dawladda isu dhiibaya

Hong Kong(Aftahannews):- Saddexda Hoggaamiye ee lahaa fikirka dhaqdhaqaaqyada muddaaharaadyada Siyaasadeed ee bilihii u dambeeyey ka socday magaalada Hong Kong, ayaa wada qorshe ay doonayaan inay isu dhiibaan Booliska, iyagoo dhanka kalena ku boorriyey taageerayaashooda inay dib u gurtaan sababo amnigooda la xidhiidha.

hoggaamiyeyaasha siyaasadda HONG KONG

Shir Jaraa’iid oo ay wada-jir u qabteen saddexda Hoggaamiye ee Benny Tai, Chan Kin-man iyo Chu Yiu-ming, ayaa waxay ku shaaciyeen inay iska dhiibi doonaan saldhigga dhexe ee booliska maalinta beri ah, saacadduna ay tahay 3:00 galabnimo waqtiga dalka Shiinaha, sida aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Benny Tai waxaa uu sheegay inaaney weli kala caddeyn in boolisku ay xiri doonaan amaba sii deyn doonaan, isaga iyo taageerayaashooda, balse waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay aqbalaan natiijo kasta oo ka dhalata dhaqdhaqaaqyada socda.

Waxaa kale oo ugu baaqey boqolaalka qof ee weli ku harsan waddooyinka Hong Kong ee banaanbaxyada dhigaya inay dib u gurtaan, isla markaana isku diyaariyaan halgan muddo dheer qaata oo lagu doonayo in lagu helo isbeddelo dhanka dimoqraadiyadda oo gobolkaasi ka dhaqangala.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.