Hoggaanka KULMIYE oo sheegay inay Xukuumaddu qabanayso wax ka baxsan ballan-qaadkoodii Ololaha

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa markii ugu horreysay si cad Madaxweynaha uga hor-sheegay inay Xukuumadda KULMIYE dhammaystirtay wax-qabadkii ay Xisbi ahaan ku ballan-qaadeen inay samaynayaan hadday guulaystaan wakhtigii ay ololaha doorashada ku jireen 2010-kii, isla markaana waxa ay hadda qabataa yahay wax dheeraad ah oo ka baxsan Barnaamijkii Siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo lagu doortay.

DSC_0220

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE waxa uu ku dooday in ay Barnaamij cusub oo ka duwan kaa hore ee ay codka guusha ee kursiga soo gaadhsiiyey KULMIYE oo uu ka sharraxnaa Madaxweyne Siilaanyo Shacabka kaga helay oo ay doonayaan inuu shanta sano ee soo socda mar labaad ku hanto Madaxweynuhu in mar labaad loo doorto hoggaaminta dalka Somaliland.

Inkasta oo ay jiraan dhalliilo badan oo Maamul oo jira wakhtigan sida ay dadka hoggaaminta Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa oddorasa qaarkood ku doodaan, Siyaasiyiinta Mucaaradkuna sheegaan, isla markaana waxa jira waxyaabo badan oo aan ka hirgelin qodobbada ama arrimaha uu Madaxwyene Siilaanyo iyo Xisbiga uu hoggaamin jiray ee KULMIYE ku ballan-qaadeen, kuna soo bandhigeen Buugga Cagaaran ee Barnaamij-siyaasadeedkii Ololaha doorashada uu soo bandhigay Xisbiga KULMIYE ee uu Bulshada Somaliland u ballan-qaaday.

Haddana Maxamed Kaahin Axmed waxa uu ku dooday inay Xukuumadda talada haysa ee KULMIYE dhammaystirtay wixii ay Xisbi ahaan ballan-qaadeen wakhtigii ololaha, waxa ay qabatay sannadkan waxa bishii u dambaysay aynu ku jirnaana yahay wax ku saa’id ama dheeraad ah waxyaabaha laga sugayey.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Salaasadii Maanta Xaflad Madaxweynaha Somaliland xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxaannu Codka hadalkii uu ka jeediyey idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Aftahannews/Radio ee Dhegaysi Habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.