Agaasime Madaxweyne Siilaanyo ka hor-caddeeyey faro-gelin Maamul oo ay Shirkadaha Isgaadhsiintu ku hayaan

Hargeysa(Aftahannews):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inay iyaga iyo Wasaaradda Maaliyaddu gacanta ku hayaan qalab casri ah oo ah qalab lagu tiring doono Daqiiqadaha ku hadalka Taleefannada ay Shirkadaha Isgaadhsiinta dalku iibiyaan si cashuurta ku waajibka ah looga qaado oo ay u bixiyaan.

DSC_0172 DSC_0248

Faysal Cali Sheekh waxa uu si dadban Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo uga hor-caddeeyey heerka awoodda faro-gelineed ee ay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ku leeyihiin nidaamka maamul iyo hor-u-wadista hawlaha shaqo ee Wasaaraddu Masuulka ka tahay marka loo eego sida ay uga hor-yimaaddaan hirgelinta nidaamka dakhli-helista dawladda iyo isku-xidhka wadahadalka gudaha ee Shirkadaha Isgaadhsiinta.

Waxa uu sheegay Agaasimuhu, isla marka marka ay gebo-gabo ama meel fiican marayaan hawlahaas haddii ay ku adkaystaan Masuuliyiinta markaas Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiitna jooga xilka ay hayaan looga qaado si sii socoshada hawshu halkaas ugu istaagto, ka dib marka ay Madaxtooyada dacwaddooda gaadhsiiyaan, sida marar hore ku dhacday Masuuliyiin Wasaaraddaas joogay oo ay qaarkoodna Warbaahinta u caddeeyeen Shirkadda laga raacay.

Faysal Cali Sheekh waxa uu sheegay inay keenayaan qalab lagu xisaabinayo daqiiqada hadalka kaadhka ay iibiyaan Shirkadaha Isgaadhsiintu ee Mobile-ka lagu isticmaalo si cashuurta dhabta ah ee ku waajibtay Shirkadahaas ay isaga bixiyaan oo ay meesha uga baxdo doodda iyo masaalaxada cashuurta faraha-guudkooda ah ku bixiyaan Shirkadaha Isgaadhsiintu.

Agaasimaha guud ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh Maxamed waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad maanta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo xadhigga kaga jaray dhisme laba Dabaq ah oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha, waxaanannu hadalka Agaasimaha oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-

Shirkadda Isgaadhsiinta dhinaca Taleefannada ugu weyn Somaliland ee TELESOM, ayaa ah Shirkadda sida wayn saamaynta ugu leh Masuuliyiinta loo magacaabo Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Somaliland, iyadoo awood dhaqaale u adeegsata Wasiirka Wasaaraddaas jooga ee ku dedaala nidaamka wadahadalka Taleefannada Shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka gudihiisa oo kala xayiran iyo sidoo kale inay bixiso Cashuurta sharciga ah oo aan guud-mar ahayn, waxaanay ku guualysatay inay dhawr Wasiir oo arrimahaas ku dedaalay in xilka looga qaaday si dhaqso ah iyagoo ku guda-jira hawshaas, ka dib marka ay TELESOM diiddo isku-xidhka wadahadalka Shirkadaha iyo Bixinta Cashuurta ku waajibtay.

Wasiirrada ay galaaftay Shirkadda Telesom ee ku dedaalay hirgelinta arrimahaas, ayaa ah labadii Wasiir ee intii Madaxweyne Siilaanyo xilka qabtay u magacaabay Wasaaraddaas ee ka horreeyey Wasiirka immika Wasaaraddaas xilkeeda haya Maxamed Jaamac Abgaal, kuwaasoo ay isku qabteen Shirkadda TELESOM nidaamka isku xidhka wadahadalka taleefanka ee gudaha ee hadda kala xayiran iyo arrinta Cashuuraha, balse arrinta kuwayni ahayd isku xidhka oo ay TELESOM gaashaanka u daruurtay, si cadna u diidday, iyadoo xataa ka baxday kulammo Guddi Farsamo oo arrintaas Wasaaraddu u saartay oo ay xubno ku lahayd, ka dibna markii Wasiir weliba arrintaas ka hadlay Madaxweyne Siilaanyo si cad xilka ugaga qaaday doodda iyo diidmada Telesom dartood.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.