Madaxweynaha Kenya oo xilka ka qaaday Masuuliyiintiisii Amniga, Diinta Islaamkana Ammaanay

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuhu Kenyatta, ayaa xilka ka qaaday Wasiirkiisii arrimaha gudaha, isla markaana aqbalay is-casilaad uu u soo qoray Taliyaha Boolisku, ka dib markii weerar 36 qof oo aan Muslimiin ahayn oo ka shaqaynayey goob dhagaxa laga qodo Kooxda Al-Shabaab ku dishay waabberi ku dhawaadkii Salaasada xalay.

2014122635531110451873238kenya-uhuru-kenyatta-epa-h_51642113-20141202KENYAN LA LAAYEY

Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta, ayaa Khudbad ka jeediyey Telefeshinka dawladda gelinkii dambe ee Salaasada maanta, isla markaana waxa uu cambaareeyey weerarkaas oo ay Kooxda Al-Shabaab sheegatay masuuliyaddiisa, waxaanu sheegay in Diinta Islaamku tahay Diin nabadeed, balse waxa ay Al-Shabaab sheeganayaan ee ay dadka reer Kenya ku laynayaan ahayn wax Diin la xidhiidha.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay inuu xilka ka qaaday Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Joseph Ole Lenku, sidoo kalena uu is-casilaadda uu u usoo gudbiyey ka aqbalay Taliyihii Booliska Kenya Jen. David Kimaiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Kenya waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Wasiir cusub oo magiciisa la yidhaahdo Joseph Nkaissery, balse weli ma magacaabin beddelka Taliyaha Booliska ee uu is-casilaadda ka aqbalay salaasadii maanta.

“Diinta Muslimka waa Diin nabadeed, mana aha sida ay Al-shabaab doonayso inay u isticmaasho. Weerarkan waa mid innaga oo dhan nagu waajahan, waana inaan u Midownaa dagaalka lagula jiro Argaggixisada.” Sidaa ayuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku yidhi Khudbadda uu Telefeshinka dawladda ka jeediyey shalay.ayuu ku yiri Uhuru Kenyatta khudbaddiisa.

Waxaanu Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Ujeeddadeenna kama dambeysta ah waa inaan ka hortagno argagaxisada, dagaalka aan kula jirnana aan sii wadno tan iyo inta dalkeenna iyo gobolka oo dhan ay noqonayaan meel ay ka jirto amaan, xasillooni iyo barwaaq.”

Tallaabadan Madaxweynaha Kenya xilka kaga qaaday Wasiirka arrimaha gudaha, is-casilaaddana kaga aqbalay Taliyihii Booliska, ayaa toddobaadkii hore Ururrada Bulshada rayidka ah ee Kiristaanka u badan ee dalkiisu u soo jeediyeen inuu wax ka beddel ku sameeyo nidaamka maamul ee Hay’adaha dawladda Ammaanka u qaabbilsan, ka dib markii 28 qof oo Rakaab ahaa ay Al-Shabaab gaadhi Bas ah kala degeen meel Mandheera u dhaw, halka ay kuwii Muslimiinta ahaa siiddaayeen.

Sidoo kale, dadkan tiradoodu 36-ka Qof tahay ee ay xalay dileenna yihiin dad aan haysan Diinta Islaamka oo ka shaqaynayey meel Dhagaxa laga qodo oo 15-KM u jirta degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya. Waxaanay Al-Shabaab sheegtay inuu ahaa weerar guulaystay oo ay kula dagaallamayaan Kenya, iyagoo kaga aar-gudanaya dagaallada iyo duqaymaha ay Soomaaliya ka waddo iyo cadaadiska ay Muslimiinta Mambasa ee dalka Kenya ku hayso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.