Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay 43-guurada ka soo wareegtay Midnimada Imaaraadka Carabta

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay sannad-guurada 43-aad ee ka soo wareegtay Midnimada dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay Walaalnimo dal iyo dad-ba ahi ka dhaxayso Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, sidaa awgeedna uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo.

AXMED-SIILAANYO

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed kooban oo gelinkii dammbe ee Salaasada maanta ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu Qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sannad-guurada 43-aad ee ka soo wareegtay (Ciidal Itaxaad ) Midayntii Imaaraadka Carabta awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan iyo shacbiga Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ah dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo qoto-dheer.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Madaxdiisaba ALLAAH uga baryayaa inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo Rayn-rayn. ALLAA MAHAD LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.