Cirro oo ka digay dhib Kalsooni-darro dawladnimo keeni karta oo uu ku eedeeyey Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaaa sheegay inay muhiim tahay in la kala saaro awoodda shaqo iyo maamul ee Hay’adaha dawliga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

CABDIRAXMAAN-CIRRO

Guddoomiye Cirro waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey inaanay Hay’adaha Amniga iyo Ciidammada Qalabka sida u adeegsan dano gaar ah iyo Inshacabka ay nabadgelyadooda Masuulka ka yihiin iyagu dhibaateeyaan oo ay sida Argaggixisada loola dhaqmo oo kale ula dhaqmaan. Waxaanu intaas ku daray inaan amarro qaldan la siinnin Hay’adaha Ammaanka Qaranka oo uu xisay inay waajib tahay inay ka madax-bannaanaadaan Siyaasadda iyo xiisadaha Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Hay’adaha Amnigu waa in ay ka madax-banaanaadaan tartamada siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada Qaranka. Haddii cid gaar ahi si gaar ah u isticmaasho Hay’adaha Amniga waxay luminayaan kalsoonida ay Shacabku ku qabaan, waxaanay gaadhi kartaa in kalsoonida dawladnimada lagu qabaa wiiqanto.

Waxa si gaar ah aan ugu baaqaynaa in aan Ciidanka lagula dagaallamo argagixisada ee RRU aan loo adeegsanin arrimaha Siyaasadda, arrintaasina waa mid khatar weyn keeni karta.

Waxaa laga yaabaa in maanta cidda Ciidanka Amarka siinaysaa ay dano gaara ka leeday, laakiin tani uma adeegayso nidaamka dawladnimo maaddaama oo cidda maanta xilka haysaa aanay Berri haynin.

Waxa wanaagsan inay Madaxdu dadkooda u dhigaan dhaqan Siyaasadeed oo xalaal ah oo laga dhaxlo oo aan ku dhisnayn curfi iyo cadawtinnimo dadka ay kula dhaqmaan Hay’adaha Amniga ee ku shaqeeya taageerada Shacabka ee dhan kasta leh hadday noqoto cashuur iyo hadday noqoto dadka oo iyagu amniga si toos ah ugala shaqeeya Hay’adahaas.

Xisbiga Waddani waxa uu cod dheer ku sheegayaa in siyaasadda iyo hayadaha amniga iyo difaaca dalku ay kala madax baanaanaadaan oo ciidamadu aanay laynin kuwii ay ahayd inay difaacaan.” Sidaaa ayuu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ku yidhi War Qoraalka Qoraalka ah ee uu Salaasadii Maanta soo saaray oo uu isagu ku saxeexnaa sida uu Aftahannews ku soo gaadhay.

Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa inta badan marka ay hawlgal fulinayaan ama ay qof Siyaasi ah ama Shicib ah xidhayaan muddooyinkan dambe inta dambe waxay ugu daataan guryaha marka ay habeenkii dadku seexdaan inta badan oo ay ka qabtaan cidda ay u socdaan, waxaana dhibaato hawlgallada noocaas ah ka dhashay ka cawda qoysaska hadba guryohooda loo dhaco oo Carruurtooda ay waxyeelleeyaan Askartu markay Carruurtu sasaan ee ay qayliyaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.