Madaxweyne Siilaanyo oo furay laba Dabaq oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta illaa 1947-kii

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Dhisme cusub oo laba Dabaq ah oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ku jirtay Gurigii Ingiriisku ka maamuli jiray Isgaadhsiinta Raadyaha iyo Taarka oo la dhisay 1947-kii oo ku taalla ka soo horjeedka Wasaaradda Caafimaadka ama Cusbitaalka guud ee magaalada Hareysa agtiisa.

DSC_0186

Munaasibadda lagu furayey dhismahan cusub ee loo sameeyey Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo lagu qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa ka sokow Madaxweynaha, waxaa ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaannada Golayaasha Baarlamaanka, Masuuliyiin ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee dawladda, Masuuliyiinta Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka hawlgalka, Madaxda iyo Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddaas iyo Marti-sharaf kale.

Furitaankii Munaasibaddaas ka dib waxa hadal ka jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed oo ka warramay sida ay xaaladda Xafiisyada hore ee Wasaaraddu ku shaqayn jirtay ahayd iyo sida dhismahan cusub ee Wasaaradda loo furay ku yimi.

Faysal Cali Sheekh waxa uu ku dooday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay tii ugu wax-qabadka badnayd ee Somaliland soo marta muddada 23-ka sano ah ee dalkani jiray, waxaanu yidhi; “Waxaa runtii makhraati ma doon ah oo dad badani yidhaahdaan Xukumaddani waxba may qaban ee waxbay iska sheegtaan oo way faantaa, xaqiiqatan anigu Suxufi baan ahaa oo dadkii Xukumaddaha wax ka qori jiray ka mid baan ahaa, waxaa xaqiiqo ah inka yar bil gudaheed lix mashruuc oo cusub ayuu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray oo ay ka mid tahay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.”

“Waxa runtii dalka ka jira Shirkado badan oo isgaadhsiineed oo Waaweyn oo ay kala koreen Shirkaddihii iyo Hay’addii Sharciga iyo nidaamka u qaabilsanayd dawladda oo ay runtii isku noqdeen Xidigo iyo wax dhulka jooga.markaa waxaanu isleenahay gaadhi kari mayno Xidigaha ee inaanu ku dhawaano oo dhawr talaabo kor u qaadno.”

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo isna ka hadlay Xafladdaas, ayaa sheegay in dhawaan la suuro-gelin doono Qalab Xisaabinaya Daqiiqadaha iyo wakhtiga hadalka Taleefannada Shirkadaha Isgaadhsiintu iibiyaan si ay u sahlanaato in cashuur sax ah laga qaado.

Wasiirku waxa uu sheegay in kala horumarsanaanta Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Wasaaraddu keentay in Daartan casriga ah loo dhiso Wasaaradda Boosaha, waxaanu yidhi; “Waxaannu shaqo ka dhigannay intaannaan Barnaamijyo iyo Shirkado ayaa Lacag la maqan iyo nama siiyaan aannaan ka sheekayn inaannu samayno halkii aannu fadhiisan lahayn oo u eeg ama ugu yaraan u dhaw Shirkadaha aannu doonayno inaannu wada shaqayno ama Nidaamka Qaranka aannu ku ilaalinayno oo aannu sinnaanno halkii aannu caggahooda uun ka arki lahayn.” Waxaanu Wasiirku u mahad-celiyey Wasiirka Maaliyadda iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo uu xusay inaanay la’aantood u suura-galeen hirgelinta Dhismahan cusub ee Wasaaraddu yeelatay.

Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale ka hadlay Munaasibaddaas, kuwaasoo marka hadalkooda kale laga yimaaddo Wasaaradda Boosaha ku hambalyeeyey dhismahan cusub ee ay Maanta wixii ka dambeeya ku shaqayn doonto.

Masuuliyiin u hadlay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Telesom, ayaa iyaguna Munaasibaddaas ka hadlay, kuwaasoo ballan-qaaday inay sida hadda ay u wada shaqeeyaan Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta si ka dhaw ula shaqayn doonaan, isla markaana ay rejaynayaan in sida ay hadda Masuuliyiinta Wasaaraddaas isu fahansan yihiin isaga sii dhawaan doonaan oo u sii wada shaqayn doonaan, iyagoo Wasaaradda iyo Masuuliyiinteeda ku hambalyeeyey hirgelinta dhismahan cusub ee ay Wasaaradda Boosuhu yeelatay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo si rasmi ah u furay dhismahan cusub, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismahan cusub ee ay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu yeelatay, waxaanu ku tilmaamay Dhismahan mid ka mid ah tallaabooyinka dhinaca horumarka iyo tayeynta hay’adaha dawliga ah loo qaaday ee ay ku guulaysatay Xukuumadda uu hoggaamiyaa.

“Farxad aad iyo aad u wayn ayay runtii ii tahay inaan Maanta ka soo qaybgalo Xafladdan furitaanka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ahmiyad weyn Qaranka u leh. In muddo ahba weynu ogeyn oo waxaynu furaynay Wasaarado badan, Hay’ado badan iyo Waddooyin badan oo horumarka dalka ku saabsan. Markaa, aad baan ugu hambalyaynayaa Wasiirka iyo Shaqaalaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiirka Maaliyaddaba aad baan ugu hambalyaynayaa, markaa waxaan leeyahay Alle hawsha ha innoo fududeeyo.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.