Al-Shabaab oo Sheegatay 36 Kirstan ah oo lagu dilay Kenya & Muslimiinta dalkaas oo Cambaareeyey

Mandheera(Aftahannews):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya oo sannadihii u dambeeyey culays nabadgelyo ku hayey dalka Kenya, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerar lagu khaarajiyey 36 qof oo Kenyan ah, kuwaasoo xalay xilli dambe lagu dilay meel ku dhaw magaalada Mandheera oo ku taalla gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya, halkaasoo toddobaad ka hor ay Al-Shabaab ku dishay 28 Ruux.

Lix Iyo Soddonka qof ee ay Al-Shabaab sheegatay Masuuliyadda dilkooda, ayaa lagu soo warramayaa inay ahaayeen dhammaantood dad aan Muslimiin ahayn, halka 28-ka qof ee ay toddobaadkii hore Bas Rakaab oo ay saarnaayeen kala degeen Al-Shabaab ee ay dileenna ahaayeen Kiristaan iyo Maseexiyiin, iyagoo markaa sii daayey dadkii Muslimiinta ahaa ee la socday Baskaas.

Dadkan ay Al-Shabaab sheegtay inay weerar ku laysay xilli dambe oo Salaasadii Xalay ahaa, waxay ahaayeen Shaqaale ka hawlgalayey Meel Dhuxul-dhagaxda iyo Dhagaxa laga qodo oo ku dhaw Degmada Mandheera, waxaana lagu faahfaahiyey sidii weerarkaasi u dhacay iyo qaabka dadkaas ay u dileen War Qoraal ah oo ka soo baxay Kooxda Al-Shabaab.

Waxaana Warkaas Al-Shabaab soo saartay lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen guutada Saalax Nabhaan ee kooxdaas ka tirsan, isla markaana uu jawaab u yahay hawlgallada Ciidamada Millateriga Kenya ee ka midka ah kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo dhibaato ay sheegeen in lagu hayo Bulshada Muslimiinta ah eek u dhaqan magaalada Xeebta ah ee Mambasa ee dalka Kenya.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo War qoraal ah ka soo saaray Maanta oo Salaasa ah Weerarkan ay xalay ka fuliyeen Kenya, waxa uu yidhi; “Weerarkan u dambeeyay waa mid qayb ka ah Weerarro la qorsheeyay oo ay fulinayaan Mujaahidiintu si ay jawaab uga bixiyaan dhulka Muslimiinta ee Kenya haysato iyo tacaddiyada joogtada ah ee ay Muslimiinta ku hayso, sida duqayntii ay u gaysatay dadka Soomaalida ah.”

Waa uu sii watay hadal-qoraalkiisa Afhayeenka Al-Shabaab Sh. Cali-Dheere, waxaanu yidhi; “Dilkan waxaa fuliyay guuto gaar ah oo Al-shabaab ka tirsan oo magacoodu yahay ‘Saalax Al-Nebhan’ waxaana dilkan uu ahaa mid aan ugu aargudaynay muslimiin badan oo horay loogu dilay gudaha Kenya iyo Soomaaliya..”

Wararka deegaanka weerarku ka dhacay ee dalka Kenya ka imanayaa waxay sheegayaan, dadkaasi qaar ka mid ah in la toogtay, qaar kalena qoorta laga gooyay iyaga oo dhex jiifay Taandhooyin ay degganaayeen oo ku yaallay goobta ay Dhagaxa ka qodi jireen ee ay ka shaqaynayeen 36-kaas qof.

Waxaa sidaas u sheegay Booliska Kenya qaar ka tirsanaa Shaqaalahaa Dhagaxa qodayey ee Al-Shabaab weerartay oo ka badbaaday inay goobtaas ku dhintaan Xalay. Waxaanay intaas ku dareen shaqaalahan badbaaday in Shaqaalihii Muslimiinta ahaa ee ay dadkan la dilay isku goobta joogeen gaar loo saaray oo aan wax dhibaato ah loo geysannin.

Madaxa Ciidammada Booliska Kenya David Kimaiyo, ayaa sheegay in dadkan la dilay ay ku sugnaayeen meel qiyaastii Mandera u jirto 15-KM, halkaasoo lagu magacaabo Koromey. Weerarkan ayaa dhacay saacado ka dib markii Koox hubeysan ay Bambada nooca gacanta laga tuuro ah ku tureen goob habeenkii lagu Caweeyo oo ku taalla Magaalada Wajeer ee dalka Kenya isla Salaasadii xalay, waxaanay Rasaas 10 Minid ama Daqiiqo socotay lagu furay xarun Boolis, halkaas oo uu ku dhintay hal qof, Shan Ruux oo kalena ku dhaawacmeen, sida Booliska Kenya caddeeyey.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta dalka Kenya, ayaa Cambaareeyey weerarkaas dadka aan Islaamka ahayn Al-Shabaab ku laynayso iyagoon waxba galabsan, waxaanay ku tilmaameen weerarkaas mid aan waafaqsanayn Shareecada Diinta Islaamka, iyagoo xusay inay aad uga xun yihiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.