“Waxaan awood u leenahay Sharci kasta oo Golaha la keeno inaan marsiinno, Lacagna” Baashe M Faarax

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Siduu u arkaa Khilaafka ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xallinta Khilaafkooda?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku dooday inaanay jirin Lacago laaluush ah oo ay Xukuumaddu ku bixiso Xasaradaynta degganaanshaha iyo isku-duubnimada Mudanayaasha Muxaafidka ee uu isagu hoggaamiyo iyo Mucaaradka Golahaas ee uu Guddoomiye Cirro hoggaamiyo.

Guddoomiye Baashe M Faarax

Waxa uu Guddoomiye Ku-xigeen Baashe sheegay inaanay jirin sabab ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Lacag ugu bixiso soo jiidashada Mudanayaasha Golala, maaddaama oo ay haysato aqlabiyadda ama 54 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee uu Golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay, waxaanu intaas ku daray inaanay haba-yaraatee wax laaluush ah qaadan Mudanayaasha Muxaafidku, isla markaana ay awood u leeyihiin inay meel-mariyaan sharci kasta oo la soo hordhigo ama la keeno Golaha, maaddaama oo ay aqlabiyadda Golaha yihiin.

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo lagu waraystay Barnaamijka Martida Mikrifoonka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA Sabtidii maanta, ayaa wax laga weydiiyey waxa salka u ah khilaafaadka Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada, sida uu ugu qancay go’aanka Guddiga Guurtidu maanta ku dhawaaqday ee ay ku dhex-dhexaadiyeen dhinacyada Khilaafku ka dhexeeyey ee Wakiillada. Waxa sidoo kale wax laga weydiiyey sida uu u arko Khilaafka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo aragtidiisa la xidhiidha in doorashooyinka Somaliland xilligooda ku qabsoomi doonaan badhtamaha sannadka foodda innagu soo haya ee 2015-ka.

Barnaamijkaas Waraysiga ah oo Su’aalo badan lagu weydiiyey Baashe, isaguna uu jawaabo badan ka bixiyey waxa uu u dhacay sidan aannu idiinku soo gudbinayno Codkaas oo dhammaystiran ee Dhegaysi Habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.