Madaxweynaha Soomaaliya oo Muddo-kordhin u sameeyey Xubnaha Al-Shabaab ee dawladda isu soo dhiibaya

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay dhammaatay 45 cisho oo ay dawladdu siisay dhalinyarada iyo Hor-joogayaasha Kooxda Al-Shabaab inay si nabadgelyo ah isugu soo dhiibaan dawladda, isla markaana ay ka faa’iidaysteen in ka badan toddoba boqol oo dhalinyaro Al-Shabaab ku jiray ah, sidoo kalena uu fursad siinayo lixdan cisho oo kale.

fffff

 MADAXWEYNAHA SOOMAALIYABAANBOYDA BALAAS MILLATERIGA SOMALIA IMG_7921-515x343 XASAN SHEEKH IYO SARAAKIISHA SALAAN SHARAF XASAN SHEEKH MAXAMUUD XASAN IYO MADAXDA CIIDANKA AMISOM XASAN SHEEKH OO SALAAN KA QAADANAYA CIIDANKA QALABKA SIDA XASAN SHEEKH IYO SHAQAALE CAAFIMAAD MMMM MADAXWEYNAHA IYO MADAXDA CIIDANKA  MILLATERI IYO BAANBOYDA SOOMAALIYAMADAXWEYNAHA IYO CIIDANKA IMG_8383-515x343 IMG_8375-515x343  CIIDANKA IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYACIIDAN CIIDANKA CAAFIMAADKA fannaaniinta ciidanka somaliafffff  BAANBOYDA SOOMAALIYA

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Isniintii Maanta ka qaybgalay Munaasibad lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, taasoo lagu dhiirrigelinayey laguna muujinayey guulaha ay Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya ama kaashanaya kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ka gaadheen Hawlgalka Badweynta Hindiya oo ay Al-Shabaab kaga xoreeyeen deegaanno badan oo ay haysatay oo muhiim ahaa.

Xasan Sheekh oo Salaan-sharaf ka qaatay Ciidammada Qalabka Sida, oo ku qaabbilay Salaanta Sharcigu faray, iyaga oo Ciidammada Baanboyduna kaga sanqadhinayey Qalabka danana ee ay caanka ku yihiin, ayaa warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidammada dalka.

Ka dib warbixintaas, waxa uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya halkaas ka jeediyey Khudbad uu dhinacyo kala duwan ku eegay, waxaanu ku sheegay hadalkiisa oo uu yidhi; “Dawladda Soomaaliya waxay In ka badan toddoba boqol oo Wiil, ayaa ka faa’iidaystay muddadaa 45-ka cisho ah oo Al-Shabaab ka soo noqotay, dawladda Soomaaliya oo way soo dhawaynaysaa, Xarumo cusub baa loo sameeyey, waana la sii ballaadhinayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay isaga oo ka faa’iidaysanaya Fursadda uu maanta inuu Madaxweyne ahaan ballan-qaadayo inaan laga aargoosanaynin cidina ciqaabaynin qofkasta oo Al-Shabaab hadda ka tirsan oo dawladda isu soo dhiiba, waxaanu Waalidiinta dhalinyaro kaga jirto Al-Shabaab, Haweenka Raggoodu ku maqan yahay iyo Ehelada cidi kaga maqan tahayba ay u yeedhaan dadkooda ku jira Al-Shabaab si ay uga faa’iidaystaan fursadahan qaaliga ah e ay dawladdu bixisay. “Fursad kale inaan bixiyo ayaan rabaa maanta, Bisha October waa 27, laga bilaabo kowda November illaa 31 December.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba, Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh, Wakiilka Midawga Afrika u jooga Soomaaliya, Taliyaha Ciidammada AMISOM, Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed hadalladoodii iyo guud ahaanba jewigii ay Munaasibaddaasi u dhacday waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.