Baananka Adduunka, Horumarinta Afrika & EU oo dalal ay Soomaaliya ku jirto u ballan-qaaday Malaayiin Doollar

Nairobi(Aftahannews):- Baanka Horumarinta Afrika, Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub, ayaa 8-Billion oo Doollarka Maraykanka ah u ballan-qaaday dalalka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

BAANKA ADDUUNKA, KA HORUMARINTA AFRIKA IYO MIDAWGA YURUB

Dalalka lacagtan wax looga qabanayo ayaa waxaa ka mid ah Kenya, Ertirea, Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo xubnuhu ay sheegeen in dalalkan ay qabaan dhibaato dhinaca faqriga ah.

Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa dib u dhiska, caafimaadka waxbarashada, shaqo abuurista iyo tababarrada shaqaalaha dhowrka sano ee soo socoda. Waxaana Warbixinta ay Hay’adahani sida wada-jirka ah u soo saareen lagu yidhi; “Waddamada Geeska Africa ayaa waxaa saameyn ku yeeshay colaadaha ka jira iyo faqriga oo gun-dhig u ah dagaallada dalalkan qaarkood ka dhacay.”

Sidoo kale, Baanka hormarinta Islaamka, ayaa ballan-qaaday Lacag gaadhaysa Hal Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, taasoo wax lagaga qabanayo horumarinta dalal Afrika ka tirsan oo ay Soomaaliya ka mid tahay, Uganda ku jirto oo Suudaanta Koonfureed ka mid tahay iyo kuwo kale.

Ballan-qaadyadan Maaliyadeed waxay kusoo beegmayaan iyadoo Madaxda Soomaaliya ay marar kala duwan oo hore sheegeen inay dib u dhisayaan Soomaaliya si ay dalka u gaadhsiiyaan horumar iyo doorasho xor ah illaa 2016-ka haddii Illaahay yidhaahdo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Nairobi/Kenya.