Dareenka Mucaaradka, Dagamsa -naanta Xukuumadda, Daliilka Mudanayaasha Muxaafidka, Doodda Cirro iyo Dayaanka Khilaafka Golaha Wakiillada

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID iyo WADDAI, ayaa si adag uga hadlay Khilaafka ka dhex-taagan Mudanayaasha Muxaafidka iyo Mucaaradka ee Golaha Wakiillada, isla markaana ay waxay masuuliyaddiisa ku eedeeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee talada dalka haysa oo ay sheegeen inay faro-gelin badheedh ah ku hayso habsami-u-socodka Hawlaha Shaqo ee Golahaas iyo weliba diyaarinta doorashooyin wakhtigooda ku qabsooma.

XILDHIBAANNADA MUCAARADKA IYO MUXAAFIDKA EE GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND

MASUULIYIINTA XISIBIYADA UCID IYO WADDANI“Shuruucda haddii lagu dhaqmi waayo, Qaawanaanta lagu Carari doonaa ..” C/Raxmaan-Cirro

Waxay Masuuliyiintantani ku eedeeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, inay carqaladaynayaan socodsiinta hawlaha gogol-xaadhka u aha doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda, si wax waliba wakhtigooda uga dib dhacaanna ay bilawday inay Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Wakiillada u adeegsato inay khalkhaliyaan ansixinta xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka oo maalintii labaad fadhi aan caadi ahayn oo Golahaasi ku ansixin lahaa maanta u baaqday Kooram la’aan markii ay Mudanayaasha Muxaafidku ka qaybgeli waayeen.

Sidoo kale, Waxay Xukuumadda ku eedeeyeen Xisbiyada UCID iyo WADDANI buuq-gelinta Xeerka diiwaangelinta oo Shir-guddoonka Wakiilladu u gudbiyeen Guurtida markii ay aqlabiyad Wakiilladu ku ansixiyeen, kaasoo Mudanayaashii Muxaafidka ahaa ee wax ka ansixiyey dacwad ka dhan ah Xeerkaas u gudbiyeen Guurtida iyoagoo ku dooday in Xeerka Guurtida loo gudbiyey ahayn Koobbiga Nuqulka ay ansixiyeen ee uu mid qaldan yahay.

Xubnahan UCID iyo WADDANI ka tirsan ee Maanta Shirka Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, waxaanay labada Masuul-ba sheegeen inay si kulul u cambaaraynayaan faro-gelinta iyo khalkhalinta ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Golayaasha Sharci-dejinta ama Baarlamaanka Somaliland oo ay xuseen inay Guurtida hantiday, Wakiilladana Rabash xooggan ka abuurayso.

“Dagaalka halkan ka socda ee Somaliland ka socdaa, maaha mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay ishayaan doorashadoonka Somaliland oo xal doon ah iyo Doorasho diidka Somaliland oo Xall la’aan inagu wada, xal la’aantana hore ayaynu u aragnay. Waxaa nasiib-darro ah, Madaxweynaha qawlkiisa markaannu eegno, waxa uu yidhi; ‘Anigu wakhtigii la ii igmaday Maalin ku dari maayo’! Saw Madaxweyneheennii maaha oo inaynu rumaysanno maaha?” sidaa ayuu yidhi Cali-Guray.

Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Intaas oo jeer buu ku celiyay oo intaas oo Safiir baa soo maray oo cid walba wuxuu u sheegay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso,diyaar uu u yahay,kaalmuu waydiistay waa laga aqbalay, waana Qawl. Ficilkiisu muxuu noqday, waa kaas doorasho diidka ah, qowlkiisuu waa doorasho doon,ficilkiisiina waa doorasho diid, dee dhinac ha iskugu guuro oo ama Xirsi iyo Cali Mareexaan iyo Balaaki ha dhegaysto cid u nasteexa malaha malaha Ninkuye,wax u tudhayaane ma jiree ama Umadda ha soo raaco oo cida u nasteexa ah wax ha ka dhegaysto.”

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay dibindaabayaynayso diyaar-garawga doorashada. Waxa uu sheegay inaanay jirin wax ka khaldan Xeerka Diiwaangalinta ee muranku ka taagan yahay.

Xoghayaha WADDANI Mr. Uur-cadde oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Xeerkan wax allaale wax dhib ah oo ku jirtaa ma jiro, halkee lagu dhamaystaa arinta, waa Gole wakiilo, Guriga Saylici lagama hadleene waxaa lagu dhamaysan lahaa Golaha wakiilada wixii golaha khuseeya.Golaha wakiilada waa la iskugu yeedhay Shir baa la qabtay maxay u diidayaan may waxay hayaan halkaas ka sheegaan?”

“Maxay u diidayaan in la Ansixiyo Komishanka la magacaabay ee loo lugaynayaa?waxa meesha ka socdaa waa inaan doorasho dalkan ka dhicin oo faraha la iskula tago laakiin,umadda waxaanu ugu baaqaynaa nabad galyadaas ay inoogu yimaadeen inay inagaga tagaan oo aynu ilaashano.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaan illaa hadda si rasmi ah uga hadal eedaha is-daba-joogga ah ee Maalmihii u dambeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Mudanayaasha Mucaaradka ah ee Golahaasi ugu jeedinayeen inay faro-gelin ku hayso hawlaha Golaha, balse Xildhibaannada Mucaaradka ah oo ay Muxaafidku ku tilmaameen Mooshin-quutayaal, ayaa iyagu deedifeeyey eedamaha Mucaaradka.

Xildhibaannada Muxaafidku eedahaa beddelkooda waxay iyaguna ku eedeeyeen Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan-Cirro inuu sharci-jebin iyo wax-is-daba-marin ku sameeyey Xeerka Diiwaangelinta ee Mudanayaashu Aqlabiyadda ku ansixiyeen, isla markaana nuqul aan ahayn kii ay ansixiyeen uu u gudbiyey Guurtida, taasna illaa la isla saxo oo uu qaladaadkiisa qirto aanay ka qaybgeli doonin Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee uu Mudanayaasha isugu yeedhay si loo ansixiyo Guddiga doorashooyinka, balse Cirro, ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaha ay Mudanayaasha Muxaafidku u jeediyeen, balse ku tilmaamay kuwo Xukuumaddu ka dambayso oo lagu soo curiyo Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka ee Magaalada Hargeysa iyo Madaxtooyada Somaliland, tahayna faro-gelin ay Xukuumaddii tan ka horreysay-ba Golaha ku haysay oo aanay guul ka gaadhin, tanina ka gaadhi doonin.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.