Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay Faro-gelin qaawan ku hayso Golaha Wakiillada

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Fadhi aan caadi ahayn oo Mudanayaasha Golahaasi ay Axaddii Maanta yeelan lahaayeen oo baaqday, ka dib markii ay Xildhibaannada Muxaafidka ahi ku gacan-saydheen ka qaybgelkiisa.

WASIIR XIRSI IYO GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND

Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo faro-gelin qaawan ku hayso habsami-u-socodka hawlaha iyo Shaqada Sharci ee Golaha Wakiilladu waajibka u leeyahay, sababta fadhiga aan caadiga ahayn ee Guddoomiye ahaan uu Golaha isugu yeedhay ee baaqday sababta uu u baaqday ee ah in Xildhibaannada Muxaafidka ahi ka qaybgeli waayaan ay ka dambaysay Xukuumadda talada haysaa.

Fadhigan maanta ayaa qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo Xubnaha cusub ee dhawaan la magacaabay ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo la rabo in dhaqso loo ansixiyo si ay xilka ugala wareegaan Guddiga hore u shaqaynayey oo muddadooda sharciga ahi ku dhammaanayso 29-ka bishan October ee aynu ku jirno oo maalmo koobani innaga xigaan. Waxaana fadhiga maanta ka xaadiray, labaataneeyo Xildhibaanno oo keliya iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, kaasoo baaqday maaddaama oo aanu buuxsamin Kooramka ay sharci ahaan ku furmaan Golayaasha Baarlamaanka oo ah in laba meelood iyo hal dheeri.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo markii fadhigu furmi waayey ka dib Saxaafadda hadlay, ayaa sheegay inuu ka xunyahay in Xildhibaannada Goluhu ka maqnaadaan fadhiga, isagoo xusay inuu halkaasi ku xidhmay fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha la isugu yeedhay Axaddii maanta.

Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Xildhibaanada yimid oo mucaarad iyo muxaafad ba isugu jiraa waa kuwo waajibkooda dastuuriga ah guddanaya, xildhibaannada naga maqana waan ka xumahay inay naga maqnaadaan oo maqnaanshahooda fadhigu u qabsoomi waayo. Sidaas darteed kalfadhigii aan caadiga ahayni sidaas buu ku dhammaaday waxaannu isku soo noqonaynaa kalfadhiga caadiga ah 8-da bisha 11-aad.”

Waxa kale oo uu ku eedeeyey xukuumadda talada haysa inay farogelin ku hayso golihiisa, “Waxay ila tahay Dastuurkeenu si cad buu u qeexayaa inaanay is farogalin karin Sharci-dejinta, Fulinta iyo Caddaaladdu, markaa Golahan farogelinta xukuumaduhu kuma cusba, tii horena way soo farogalisay, tana waydinkaa arkaya farogalinteeda, laakiin mudanayaasha ayuun buu xilku saaranyahay, waxaanan u soo jeedin lahaa in golaha sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaalino, waajibka dadku inoo doortayna fulino.”

“In doorashada ay dib u dhigayso arrintani waa marag ma doon, in badan baanu lahayn doorashada dib loo dhigayaa oo caqabado badan baa jira, markaa waa in shacbigu indhahooda furan, in tana ka mid tahay caqabadihii dib loogu dhigayey doorashada iyo diiwaangalinta, waayo hay’adda Komishanku waa hay’addii ka masuulka ahayd doorashada, markaa haddii aynu iyadii diidno doorasho ma dhacaysaa bal idinkaan idin waydiiyaye?.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan-Cirro.

Geesta kale, Xildhibaanno ka mid ah kuwa Muxaafadka ah oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in sababta ay uga maqnaadeen fadhiga golaha ku macneeyey inay doonayaan in dib loo saxo qalad uu Guddoomiyahoodu galay kadib markii uu Golaha Guurtida u gudbiyey xeerka diiwaangelinta oo aan ahayn sidii xildhibaannadu u ansixiyeen, waxaanay ugu baaqeen guddoomiyaha in laga wadahadlo xeerkaasi ka hor inta aan la ansixin Komishanka Doorashooyinka.

Faysal Xiis Weerar.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.