Maxaa ka jira in Maraykanku Xayiraad ku soo rogay Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh?

Washington(Aftahannews):- Dawladda Maraykanka, ayaa xayiraad ku soo rogtay Dr Cali Khaliif Galaydh ka dib markii ay u aqoonsatay in uu yahay dagaal-ooge fidno ka dhex wada Somaliland.

CALI KHALIIF GALAYDH

Xayiraadda lagu soo rogay horjoogaha kooxda Khaatumo State, ayaa ka dambaysay markii dawladda dalka Itoobiya waddankeeda ka mastaafurisay Cali Khaliif Galaydh oo socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu dibedda ugu boxo ku tegay Addis Ababa tan iyo intii Madaxweynaha Khaatumo loo doortay laba bilood ka hor.

Wararka laga helayo dalka Maraykanka,ayaa sheegaya in dawladda Washington   Kadib Markii Hal Wiig Ka hor Waddanka Itoobiya Laga Masaafuriyay Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh ayaa Waxa Hada Soo Baxaya Warar Kusaabsan Xariyaad DHanka Socdaalka ah oo uu Waddanka Maraykan Kusoorogay kadib Markii loodiiday in uu Kadhoofo Waddanka Kenya oo uu Hada Safar Masaafur ah ku Joogo Safaarada Waddanka Maraykanku kuleeyay Waddanka Kenya ayaa Cali Khaliif Galaydh Ku Wargalisay in Xayiraad Dhanka Socdaalka ah lagu Soorogay, iyada oo aan Wax Faahfaahin ah Kabixin.

warkan oo aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee Somalilandlive.com,ayaa intaa ku daray in dawladda washington ay Xaqiijiyay in Xayiraad dhinaca socdaalka ay ku soo rogtay Dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh oo Hada Kuxariran Dalka Kiiniya isagoo doonayay in uu uga sii gudbo dalka Maraykanka   Waxa ay Xoga Wareedyadu Intaas Kudareen in ay Safaaradu Ku Amartay Cali Khaliif Galaydh in uu Si joogto ah Uyimaado Safaarada Waddanka Maraykanku Kuleeyay Kenya. Halkaas oo Saraakiil Kasocota Laamaha Sirdoonka Waddanka Maraykanku ay Su,aalo Kuwediin Doonaan Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif Galaydh ayaa Kucawday in uu Qabo Xanuun ay Tahay in uu Si Dhaqso ah ula Xidhiidho Dhaqaatiirtiisa Waddanka Maraykanka, Waxa kale oo uu Qareen Ka qabsaday Gudaha Dalka Maraykanka Balse Lama Oga Waxa ay Utari Karto Cali Khaliif Galaydh ayaa dhawaan waxaa dooxada Eerigoo loogu caleemo saaray wax loogu yeedhay Madaxweynaha Khaatumo State Of Soomaaliya,caleemo saarkaasoo colaad ka dhex abuuray qaybo ka mid ah deegaanka gobolka Sool iyadoo ay Dawladda Somaliland arrinta dagaal ooge Cali Khaliif kala hadashay dalalka Caalamka isla markaana gaadhsiisay in uu dagaal iyo colaado ka dhan ah Somaliland ku hawlan yahay.

Sharciga Dalka Maraykanka ayaa Mamnuucaya In Qof Sita Passporka Dalkaasi in uu Waddan Kale oo Aduunka kamida Ka abuuro Dagaalo iyo Colaado.

Faysal Xiis Weerar.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.