Prof: Jawaari oo Sheegay go’aan Baarlamaanku ka gaadhay Khilaafka Madaxweynaa iyo Raysal Wasaaraha

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ka dib markii uu Madaxweynuhu waxba kama jiraan ku sheegay xalay isku-shaandhayn uu shalay Xukuuumadda ku sameeyey Raysal-wasaaruhu, kaasoo uu sheegay in Baarlamaanku go’aan ka gaadhay.

Guddoomiyaha-Baarlamaanka-Madaxweynaha-iyo-Raysal-wasaaraha-Soomaaliya

Guddoomiye Jawaari, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba u soo jeediyey inay is-dejiyaan oo aanay ka werwerin khilaafkaas oo uu ugu yeedhay kala-fikir kala-duwanaansho shaqadu leedahay, isla markaana ay Baarlamaan ahaan ka hawlgalayaan sixitaanka waxyaabaha qaldan ee ay Madaxweynaha iyo Raysal-Wasaaraha Soomaaliya ku kala aragti duwan yihiin oo uu ku tilmaamay wax sahlan oo la sixi karo.

Inkasta oo Khilaafyada soo noqnoqda, isla markaana dibedda u soo baxaa ay caado iyo dhaqan u noqotay Madaxda dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya soo mara tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Millaterigu 1991-kii, oo ay Raysal-wasaare kasta iyo Madaxweyne kasta oo dalka soo maray is-qabanayeen, kuna kala tagayeen oo markasta khilaafku Raysal-wasaaraha galaafto, haddana khilaafkan xalay dibedda u soo baxay ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa u muuqda inuu yahay kii ugu cuslaa, maaddaama oo uu Madaxweynuhu buriyey isku-shaandhayn uu Raysal-wasaaruhu sameeey, taasoo aan hore u dhicin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Maanta ka hadlay arrintan, ayaa sheegay inay Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanku go’aansadeen inay shaqada Qaranku ay sideeda u socoto, isla markaana aanu wax saamayn ah ku yeelan fikir-kala-duwanaanshaha Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha soo dhex-galay.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland oo uu Warbaahinta u Akhriyey waxa uuu ku yidhi sidan:- “Dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iga guddooma Salaan qaddarin iyo xishmad leh. Waxaan rabaa inaan ka hadlo ra’yi kala duwanaanta maalmahan kasoo if baxday warbaahinta oo ku saabsan in ra’yi kala duwanaan ay jirto.waxaan rabaa inaan shacbiga iyo beesha caalamkaba xusuusiyo in loo baahanyahay arrimaha noocaan oo kale ah in la dejiyo,hubaal waxaa ah in xaaladahan iyo kuwo kasii culusbo ay nasoo mareen balse aynu ku xalinay biseyl siyaasadeed oo Golaha Shacabka uu gaaray.

Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo in wada shaqeyntii ka dhaxeysay Golaha Shacabka iyo Laanta fulinta ee la xiriirtay sharciyadii loo dejinayey hiigsiga 2016ka in sidooda ay u soconayaan oo aanay kala fikir duwanaanshahan wax saameyn ah ku yeelan doonin oo sidooda ay u socon doonaan oo aanay jirin wax hakan doona, sidaasi ayeyna go’aansadeen guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, wey soconeysaa howsha,wixii dhexdeenna oo kala aragti duwanaansha ahna si biseyl siyaasadeed, degenaansho,wadaniyad iyo u daneynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayey ku dhamaaneysaa.

Ugu damebyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa meel kasta oo ay joogaan iney is dejiyaan oo aanay wax dhibaato ah jirin,jirina doonin,sidoo kale Beesha caalamkana waxaan ka codsanayaa inaanay arrimahan buun buunin oo la qaboojiyo,waxan wey dhamaanayaan,si nidaam leh ayey ku dhamaaneysaa,howl hakaneysa ma jirto,wada shaqeyntana wey soconeysaa, Allaha Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka codsanayaa inuu nagu toosiyo dhammaanteen wada ay ku jirto wanaaga danta dowladnimada Umadda Soomaaliyeed. DHAMMAAD.” Sidaa ayuu ku yidhi Guddoomiyuhu Qoraalka uu Saxaafadda u akhriyey Axaddii Maanta.

Halkan hoose ee Aftahannews/Radio ka dhegayso Codka Qoraalkan oo uu Akhriyayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Dhegayso Habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.