Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland & Askari ilaalo u ahaa oo Maxkamadi Xukun ku ridday

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan, ayaa maanta ay Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday Xukun ah saddex sannadood oo xadhig ama Xabsi ah.

CABDILLAAHI ABBOKOR CISMAAN

Maxakamadda gobolka Maroodi-jeex oo muddo wadday Dacwadda Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor ayaa maanta Xukun saddex sano ah ku riday, waxay sidoo kale xukun hal sano ah ku riday Saleeban Cumar Gulleed oo ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa Xabsiga la dhigay ka dib markii Ciidanka RRU-du gurigiisa ugu daateen wakhti habeennimo ah 30-5-2014. Cabdillaahi Abbokor, waxaa lagu eedeeyay arimo ka dhan ah qaranka, isagoo ka hor ayaamahaas ku eedeeyay Xubno wasiirada ka mid ah inay xidhiidh la leeyihiin Argagixiso.

Inkasta oo aan fadhiga Maxakamaddu ku xukuntay Wasiir Ku-xigeenka loo Oggolayn Warbaahinta, haddana Qareenka Cabdillaahi Abokor u doodayay Foosi Sheekh Yoonis Xassan, ayaa sharci daro ku tilmaamay xukunka ku dhacay Wasiirka hore iyo ilaaliyihiisa.

Qareen Foosi waxa uu sheegay inay Rafcaan ka qaateen Xukunkaasi,isagoo Xukun siyaasadaysan oo dabada laga riixayay ku tilmaamay Xukunka Maxakamadda.

Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa ka hor xadhigiisa, waxa uu xukumadda uu ka tirsanaa ku eedeeyay inay ku jiraan Xubno ka tirsan Ururo xag jir ah. Ma jirto cid madax banaan oo eedaymihiisa baadhis ku samaysay balse waxay Xukumaddu si degdeg ah u xidhay Cabdillaahi Abokor.

Xukunkan Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ku ridday Axaddii Maanta Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Cismaan, ayaa yimi laba maalmood ka dib markii uu gudaha Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa kula dagaallamay Nin ay Walaalo yihiin Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasna.

Nin kaasoo la sheegay inuu dhaawac gaadhsiiyey Sabtidii shalay, isla markaana la sheegay in loola cararay Cusbitaalka guud ee Hargeysa si loogu daweeyo dhaawaca uu gaadhsiiyey markii qol lagula soo xidhay ninkaas oo laga soo wareejiyey Xabsiga Burco.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.