Nicholas Kay oo ka Odayeynaya Khilaafka Madaxweynaha & Raysal waasaaraha Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska UNSOM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa Axaddii Maanta kulammo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo Khilaaf culisi ka dhex-qarxay shalay markii Madaxweynuhu Xalay buriyey Isku-shaandhayn uu Raysal-wasaaruhu ku sameeyeey qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda.

MADAXWEYNAHA, RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA IYO NICHOLAS KAY

Nicholas Kay, ayaa kulanka koowaad la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kulankaasoo albaabbadu u xirnaayeen, isla markaana qaatay muddo saacdo badan, iyadoo uu goob-joog ka ahaa kulanka Nuuradiin Diiriye oo ah la taliyaha danjire Kay.

Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay kulankooda uga hadleen Jawaari iyo Kay ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan in dajijre Nicholas Kay uu weydiistay Jawaari in khilaafka si hoos loo dhameeyo, isla markaana ay xal u raadin arrintan qayb ka noqoto beesha caalamka, balse Jawaari ayaa la sheegay inuu ku gacan-sayray taas uuna u sheegay inay dowladdu si gaar ah u dhameynayso khilaafkan iyadoo aanay cid kale soo faragelin.

Ergayga QM ayaa sidoo kale kulan la qaatay Raysal-Wasaare Cabdiweli Sheekh, iyadoo aan laga hayn xog buuxda waxyaabihii ay ka hadleen maaddaama uu kulankoodu ahaa mid albaabbadu u xiranaayeen loona diiday saxaafaddu in ay goobjoog ka noqoto.

Balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu ku adkeystay inuu xaq u leeyahay inuu golihiisa wasiirada isku shaandheyn ku sameeyo, taasoo uu sheegay inuu awood u siinayo dastuurka dalka, cid kalena uusan waxba ka weydiinayn.

Danjire Kay ayaa ugu dambeyn kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, iyagoo isla soo qaaday isku shaandheyntii iyo go’aankii uu ku diiday, iyadoo Kay uu ku wargeliyay Madaxweynaha in khilaafkan uu noqon karo mid curyaamin howlaha dowladda laga sugayo, caqabadna ku keenaya geeddi-socodka Hiigsiga Cusub ee sannadka 2016-ka, kaasoo lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho xor ah oo dhacda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in isaguna uu ku adkeysanayo go’aankii uu ku diiday isku-shaandheynta kooban ee golaha wasiirrada lagu sameeyay shalay oo Sabti ahayd, sidoo kalena Xasan wuxuu sheegay inuusan diidayn in isku-shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda laakiise uu qabo inay noqoto mid guud, isagoo tan hadda la sameeyay ku sheegay inay tahay mid aan u cuntami karin laguna beegsanayay xubno gaar ah oo golaha ka tirsan.

Khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal-wasaarihiisa soo dhex-galay, ayaa soo taagnaa muddo fog, balse uu ugu dambeyn shalay dibedda u soo baxay, iyadoo labadooda uu mid walba guluf ugu jiro sidii uu kaga guuleysan lahaa kan kale. Waxaana isku-shaandhayntan Raysal-wasaaruhu ku sameeyey xubnaha Wasiirrada ah ee uu Buriyey Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si cad ku shifay khilaafkaas huursanaa ee muddada ka soo dhexeeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.