Jaamac-Shabeel oo si adag ugu jawaabay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Sheegayna in laga rabo Caddaynta Xeerka uu gudbiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa si adag ugu jawabay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo sheegay in Xildhibaannada Muxaafidku eedaha ay u jeediyaan iyo dhaqdhaqaaqyada ay maalmihii u dambeeyey wadeen laga soo abaabulo Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici.

Waxa uu Guddoomiye Cirro Jimcihii sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Aqalkiisa laga soo istaadho eedaha ay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Muxaafidka ahi u soo jeedinayeen maalmahan, kuwaasoo sheegay inay maamuus-ka-xayuubin ku samayn doonaan haddii uu Golaha oo fadhi aan caadi ahayn Axadda yeelanaya furo iyadoon laga heshiin ama aanu caddaynin sababta uu Cirro Xeerka diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen nuqul ka duwan ugu gudbiyey Guurtida sida ay ku doodayaan Xildhibaannada Muxaafidka ahi.

Hase-yeeshee, Guddoomiye Jaamac-Shabeel, ayaa eedahaa ka difaacay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo sheegay in eedaymaha ay Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Wakiilladu u jeediyeen Guddoomiye ahaan aanay waxb aka jirin ee laga soo abaabulo Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka. Waxaanu Jaamac-Shabeel sheegay in Cirro looga fadhiyo inuu caddeeyo waxa uu yahay Xeerka uu u gudbiyey Guurtida ee hawshuba ka taagan tahay inta uu eedaha kale iska dhaafo.

Hadddaba, Waraysigaa Jaamac-Shabeel oo dhan halkan hoose Muuqaalkiisa ka daawo:

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.