Madaxweyne Xasan oo Waxba kama jiraan ku tilmaamay Isku-shaandhayn Raysal-wasaaruhu sameeyey

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud, ayaa ka soo horjeestay, isla markaana gaashaanka ku dhuftay jiritaanka Isku-shaandhayn uu Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh ku sameeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa gelinkii hore ee maanta, kuwaasoo uu Madaxweynuhu ku dooday inaanu Raysal-wasaaruhu kala tashan waxna ka weydiin, wax ka jiraana aanay jirin.

MADAXWEYNAHA, RAYSAL, WASAARAHA IYO WASIIRRADA SOOMAALIYA

War-Saxaafadeed uu Caawa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo saaray Xafiiskiisa Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu faahfaahiyey diidmada iyo ku gacan-saydhka Madaxweynuhu kaga soo horjeestay Isku-shaandhaynta Golaha Xukuumadda uu ku sameeyey Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo gelinkii hore ee maanta Wareegto uu saaraay oo uu isku-shaandhayntaas ku sameeyey Warbaahinta u akhriyey Wasiirka Warfaafintu.

Waxa War-Saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud caawa oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warbaahinta Aftahannews.com ee Magaalada Muqdisho uu u dhignaa Qoraalkiisu sidatan:-

“Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa ummadda Soomaaliyeed iyo Madaxda dawlada-ba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku-Meel-gaar ka ah iyo Shuruucda dawliga ah-ba.

Waxa kale oo xusid mudan inaan mar walba hoosta ka xariiqo si loo unko Qaran Soomaaliyeed inay laga marmaarmaan tahay wada-tashi, is maqal, iyo wada-shaqeyn joogta ah. Taas oo ku dhisan tixgelinta xurmada, wada-shaqeynta, horumarinta nidaamka iyo kala dambeynta dawliga ah.

Arrimahaas oo dhan, waxay innoo horseedeen inaan maanta dawladnimada Soomaaliyeed aan soo gaarsiinno meel lagu faani karo oo isla xisaabtan ku dhisan. Waxaan diyaarninay Barnaamijka siyaaseed ee Higsiga 2016, kaasoo saldhiggiisu yahay qoddobbada hoos ku qoran:

  1. Dib U eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka;
  2. Dhisidda Maamul-goboleedyo federaali ah iyo
  3. Dimoqraadiyeynta dalka, oo ku salaysan doorasho xor ah, Sannadka 2016.

Waxaa sidoo kale guulo wax ku ool ah laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag-jirka ah, iyada oo sida la wada og-yahay dib loogu soo celiyay gacanta dawladda gobollo badan oo ay Al-Shabaab horey uga talin jireen, oo ay ugu dambeysay guushii laga soo hooyey xorreynta degmada Baraawe.

Waxaa guulo la taaban karo laga gaaray dib u dhiska kaabayaasha hay’adaha dowladda. Waxaa kale oo guulo lataaban karo laga gaaray maamul u samaynta gobollada intooda badan. Waxa fooda inagu soo haya u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee lagu qaban doono Copenhagen, kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Waxaase nasiib-darro weyn ah, in iyada oo ay na horyaallaan dhammaystirka barnaamijyada kur ku xusan, iyo weliba ansixinta hindise sharciyeydyada muhiimka u ah dawlad dhisidda, in Raisul Wasaarahu si is-daba-joog ah u soo saaro go’aanno tashwiish ku abuuraya geeddi-socodka dawlnimada iyo wada shaqaeynta hayaadaha dawliga ah.

Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:

  1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada-tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga; 2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Ugu dambeyntii, maanta wuxuu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay isku shaandeyn Wasiirro isagoo aan wax wada-tashi ah la samayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, qawaaniinta iyo shuruucda dalka u degsan, waxaan go’aamiyey:-

  1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
  2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samayna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha 25kii Octoober 2014. 3 In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan hawlgallada hadda socda; 4. In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan. Dhammaad.”

afthaaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.