Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka ka codsaday inay kalsoonida siiyaan Raysal-wasaare C/Wali

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Maxamuud, ayaa Baarlamaanka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Raysal-wasaaraha cusub ee uu galabta magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Ra'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_2

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee dalku yeeshay galabta, kaasoo uu u magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed Sheekh Maxamed oo ah Dhaqaale-yahan ku cusub Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inay codka kalsoonida siiyaan Raysal-wasaaraha cusub ee uu galabta magacaabay, isla markaana waxa uu sheegay inuu ka rejaynayo inuu is-beddel muuqda oo dhinac walba leh ku samayn doono Soomaaliya.

ssssssss

Ra'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_4

Waxa uu Madaxweynuhu sidaa ku sheegay Munaasibadda lagaga dhawaaqay magacaabista Raysal-wasaaraha oo galabta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. “Waxaan magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed oo aan aamminsanahay inuu yahay shaqsiga ugu habboon ee sii wadi kara shaqada dib-u-dhiska dalka iyo kasoo kabashada dhaqaalaha. Wuxuu leeyahay Waayo-aragnimo dhaqaalaha iyo horumarka ah isagoo soo hoggaamiyay hay’ado caalami ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbeddel dhan walba ah. Waxaan Baarlamaanka Soomaaliya ka codsanayaa inay kalsoonida siiyaan iyadoo la eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay inuu u mahad-celinayo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo uu sheegay inuu qabtay intii uu Xafiiska joogay shaqo wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo jeediyey in la sameeyo isbeddel dhab ah oo khuseeya horumarka dalka iyo horumarinta hay’adaha dawliga ah, waxaanu yidhi; “Maanta waa inaan labo-jibbaarnaa dib-u-dhiska Hay’adaha dowliga ah oo aan isbeddello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa, isla markaana aan dhaqan-gelinno federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaadhi lahaa 2016-ka.”

Dhanka kale, Raysal-wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaguna hadal aad u koobnaa ka jeediyey Xafladda magacaabiddiisa, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay, isla markaana uu ka shaqeyn doono horumarka Soomaaliya.


Ra'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_1

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid iyo Xukuumaddii uu hoggaaminayay oo hal sano shaqeynaysay, ayaa 02-dii bishan waxaa si aqlabiyad ah ay Xildhibaannada Baarlamaanku ugu diideen kaslooni ay kusii shaqeyso.

Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya, waxaa Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu hor-tegi doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si kalsoonida loogu qaado, waxaana markaas ka dib haddii Baarlamaanku ansixiyo uu soo dhisi doonaa Xukuumad cusub.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.