Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada London

London(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, ka dib markii uu Jimcihii shalay ka ambabaxay Caasimadda Hargeysa, Weftigaas oo ka qaybgalaya Shir ku saabsan Maalgashiga Somaliland iyo Ganacsiga oo lagu qabanayo London 14-ka bishan October ee aynu ku jirno.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo lagu soo dhaweeyey London markii ay gaadheen waxaa Warbaahinta faahfaahin ka siiyey ujeeddada socdaalkooda Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay inay Shirkaas kala qaybgalayaan Ganacsato badan oo reer Somaliland iyo kuwo caalami ah.

Wasiirku Waxa uu sheegay in Shirkani yahay Shir-ganacsiyeedkii ugu horreeyey ee Somaliland loogu qabto dalka Britian, kaasoo uu sheegay inay ka qabaan rejo fiican inuu kor u qaadi doono qiimaha iyo meeqaamka Somaliland, isla markaana ay filayaan in natiijada ka soo baxdaa noqon doonto mid wax badan ku kordhisa heerka Dhaqaalaha Somaliland.

Warbixintaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon,

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.