Wasiir Xirsi oo Buriyey hadal Sharciga baal-marsan oo ka soo yeedhay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Buriyey hadal aan marka horeba sharci ahayn oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) horraantii toddobaadkan maanta dhammaadka ah.

SIILAANYO, XIRSI IYO WASIIRRO KALE

Wasiir Xirsi waxa uu ka hadlay hadalka dareenka iyo hadal-haynta badan dhaliyey ee Madaxweyne Siilaanyo ugu yeedhay Wasiirka Wasiirrada oo eedayn iyo jawaabo kulul oo Mucaaradka iyo Bulshada kaga soo noqday dhaliyey, waxaanu sheegay inaanu isagu ahayn Wasiirka Wasiirrada amaba Raysal-wasaare sida macnaha eraygu yahay.

Xisbiga Waddani ayaa Madaxweynaha ku eedeeyey inuu Wasiirka Madaxtooyada u magacaabay xilka Raysal-wasaare oo aan meel kaga qorneyn Dastuurka dalka, iyaga oo eedayntooda uga jeeday hadal uu Madaxweynuhu ka sheegay kulan madaxtooyada uu Axaddii toddobaadkan kula yeeshay Maayerrada iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka, halkaasoo uu sheegay hadal hal-xidhaale ku noqday Bulshada markii dambena fasiraaddii uga soo baxday noqotay in Wasiirka madaxtooyadu hayo mansab ka sarreeya xilalka Wasiirrada kale, marka laga reebo shaqooyinka uu Madaxweynuhu u igmado.

Wasiirka Madaxtooyadda oo qoraal uu arrintan kaga jawaabayo ku baahiyey bog uu internetka ku leeyahay oo la yidhaahdo guusha.com, waxa uu xisbiga mucaaradka ah ku dhaliilay inay kala garan-la’yihiin wixii ay ku dhaliili lahaayeen xukuumadda.

Waxaanu qoraalkiisaas Wasiir Xirsi u dhignaa sidan:- “Haddii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqon mayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumaada khaldan aad ka samaysaan.

Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiirro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Waran-cade oo yidhi Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasiiradu isagoo uga gol leh in laba Wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono.

Haddii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa ‘Wasiirka Wasiirrada’ Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasadda ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno weyn lahayn.”

Dastuurka iyo Shuruucda hab-maamul ee u degsan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaan oggolayn Kursiga ama Jagada Raysal-wasaare (Wasiirka Wasiirrada Xukuumadda) in la magacaabi karo ama uu dalkuba yeelan karo, isla markaana oggol nidaamka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeen, waxaanay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee dalku ku eedeeyeen Madaxweyne Siilaanyo marka uu Wasiir Xirsi ugu yeedhay Wasiirka Wasiirrada inuu Sharci-jebin sameeyey, isla markaana ku gefay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.