Soomaaliya oo hawlgelinaysa Diyaarad & Qalab Casri ah oo ay kula soconayso Dhaqdhaqaaqyada Badda

Muqdisho(Aftahannews):- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya, ayaa shalay soo bandhigtay Diyaarad ay ugu talo-gashay in Badda Soomaaliya ay ku soo sameyso hawlo kormeer oo ku saabsan ilaalinta iyo ogaanshaha Maraakiibta iyo Doonyaha sida Sharci-darrada ah uga Kalluumaysta Biyaha Badda dalkaas.

diyaarad dul maraysa BADDA SOOMAALIYA

Diyaaraddan oo ah Fish patrol nooca loo yaqaanno, ayaa waxa heshiis muddadiisu tahay lix bilood oo kiro ah la soo gashay Wasaaradda Kalluumeysiga oo kaashaneysa Shirkad xagga ilaalinta Kalluunka qaabbilsan, waxaana diyaaradda shaqadeedu tahay in toddobaadkii mar ay kormeer ku soo sameeyso Maraakiibta iyo Doonyaha sida sharci-darrada ah uga Kalluumeysanaya Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Badda ku shubaya hadhaaga Sunta iyo walxaha Kiimikada ah.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Colow Barrow oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho shalay, ayaa sheegay in hawsha kormeeka ee diyaaraddani samayn doontaa ay wax badan ka beddeli doonto sida sharci-darrada ah ee Xeebaha dalka looga qawleyso, isagoo intaa ku daray in tani ay qeyb ka tahay qorshaha dawladda ee ilaalinta iyo badbaadinta khayraadka Badda Soomaaliya.

“Marka ay kormeerka soo sameyso diyaaraddu waxay soo sawiri doontaa Maraakiibta iyo calammada ay sitaan, intaas ka dib annagu caalamka ayaan dacwad u gudbineynaa si sharciga loola tiigsado Mulkiilayaasha Maraakiibta iyo dawladaha laga leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Colo Barrow.

Wasiir Colow Barrow ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay qorsheyneyso in Badda ay dhigaan qalab casri ah oo ku xidhan Satellite-ka, kaasoo u jeeddadiisu tahay in si loo badbaadiyo kheyraadka ku jira Badda ee si sharci-darrada ah loo guranayay in ka badan 23-sano, kaasoo duubi doona macluumaadka dhaqdhaqaaqa cidda soo gasha Badda Soomaaliya iyo nooca hawsha ay ka qabanayso.

Waana markii ugu horreysay ee tan iyo intii ka dambaysay burburka dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii diyaaraddan iyo qalabkan oo kale lagaga hawlgalo Badda Soomaaliya si looga hor-tago, waxna looga ogaan karo cidda Badda khayraadkeeda si sharci-darro ah u guranaysa, cidda ay yihiin iyo shaqada ay qabanayaan-ba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.