Madaxweyne Siilaanyo Dhiirrigelin iyo Hambalyo u jeediyey in ka badan laba Kun oo Dhalinyaro ah

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), ayaa dhiirrigelin iyo rejo-gelin hadallo u dhadhamayey u jeediyey in ka badan laba Kun oo Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo reer Somaliland ah, kuwaasoo Sagaal boqol iyo dheeraad ka tirsani maanta ka qalin-jebiyeen Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa iyo in ka badan oo Munaasibaddooda qalin-jebinta kala soo qaybgalay.

  DSC_0126DSC_0018DSC_0124DSC_0120  QALIN-JEBIN QALIN-JEBINTA GOLIS  QALIN-JEBINTA1QALIN-JEBINTA SIILAANYO IYO DHALINYARADA UU DHIIRRIGELIYEYDSC_0056-1

CISMAAN AXMED CISMAAN IYO SAAXIIBKIISA CISMAAN AXMED CISMAAN SUXUFI CISMAAN AXMED CISMAAN DSC_0317 ENG CISMAAN HIRAD

Madaxweyne Siilaanyo inkasta oo aanu u muujin rejo shaqo-abuur iyo qorshe cad oo Xukuumaddiisu u samaysay Ardayda tirada badan ee dhalinyarada ah ee Jaamacadaha ka qalin-jebinaysa, haddana waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, isla markaana hambalyeynayo Ardayda qalin-jebisay ee uu Munaasibaddooda oo lagu qabtay maanta Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa hambalyana u diray, isagoo xusay inay yihiin Mustaqbalkii iyo Muraayaddii waddanka.

Halkan hoose ka dhegayso Khudbadda kooban ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo u jeediyey Dhalinyaradaas oo Muuqaal ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.