Maxkamadda Sanaag oo Xukun ku ridday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaas oo Sharciga ku jees-jeesay

“Ka dib markii Taliyuhu Maxkamadda oo socota kaga dhawaaqay hadallo anshax-xumo ah oo lid ku ah, Shuruucda dalka una holladay inuu la dagaallamo Garsoorkii Dacwadda waday, waxay ku xukuntay….” Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag

Ceerigaabo(Aftahannews):- Maxkamadda gobolka Sanaag, ayaa xukun sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku ridday Taliyihii Qaybta Booliska ee gobolkaas Xasan Ismaaciil Yuusuf, kaasoo ku eedaysanaa inuu gacanta ula tegay Haweenay Uur leh, isla markaana markii Dacwaddiisu ka bilaabantay Maxkamadda uu hub la soo galay diidayna inuu dibedda ula baxo sida sharcigu dhigayo, sidoo kalane damacay inuu gudaha Maxkamadda ku dhex-dagaallamo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan, isla markaana uu kula saxeexnaa Kaaliyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Khadar Saleebaan Shire, ayaa lagu faahfaahiyey xukunka lagu riday Taliyaha qaybta gobolka Sanaan, nuxurka eedda dacwaddiisa, qodobbada sharci ee uu jabiyey, sidoo kalena si jees-jees ah ugu tuntay Shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somaliland u yaalla. Waxaanu qoraalka xukunka Maxkamadda iyo waxay u cuskatay-ba u dhignaayeen sidan hoos ku qoran:-

“Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag: Markuu arkay:- Taliyaha Qaybta (Booliska) gobolka Sanaag oo Maxkamadda gobolka Sanaag oo dhegaysanaysa Dacwad ciqaab ah oo summaddeedu tahay M/G/S/DC/36/2014 uu gacanta ula tegay Haweenay Uur leh oo la yidhaahdo Faysa Daba-Dacawo.

Markay aragtay:- In isagoo hubaysan oo sitayna Baaskoolad iyo Ul uu si jees-jees ah u dhex-lugeeyey Hoolka Maxkamadda gudeheeda, diidayna inuu baxo, soona jiidhay Ciidankii ilaalinayey Albaabka Maxkamadda gobolka Sanaag, una hoggaansami waayey, diidayna Qodobka 95/270, ee xeerka Ciqaabta guud.

Ka dib markii Taliyuhu Maxkamadda oo socota kaga dhawaaqay hadallo anshax-xumo ah oo lid ku ah, Shuruucda dalka una holladay inuu la dagaallamo Garsoorkii Dacwadda waday.

Xukunka Maxkamadda:

1-       Maxkamadda gobolka Sanaag waxay ku Xukuntay Taliye-qaybeedka gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil Yuusuf 1 sannad iyo 6 bilood (Hal sano iyo lix bilood) oo xadhig ah.

2-       Waxa la dabaqay qodobka 95. 270. 285. XCG (Xeerka Ciqaabta Guud).

3-       Xukunkani waxa uu soo baxay maanta (shalay) oo taariikhdu tahay (ahayd) 09/09/2014.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan, ayaa qoraal kale oo uu soo saaray waxa uu ku socodsiiyey Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland, ogeysiisna ka siiyey Xeer-ilaaliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolka Sanaag, Maxkamadda Racfaanka gobolka Sanaag iyo Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo uu ku dalbaday in meelkasta oo uu joogo laga soo qabto oo laga soo xidho Taliyaha qaybta gobolka Booliska ee gobolka Sanaag Xukunsane Xasan Ismaaciil Yuusuf.

Xigasho Wargeyska Himilo.