Siilaanyo oo looga digay inuu Cimri-dherer ka dhigto dib u celinta Xubnaha Mucaaradku magacaabay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inaanu aqbalin oo uu soo celinayo labada Xubnood ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI u magacawdeen inay uga mid noqdaan Guddiga doorashooyinka Qaranka ee la soo dhisayo, inkasta oo aanu weli qoraal rasmi ah oo uu ku diiday xubnahaas Madaxweynuhu soo saarin, haddana waxa looga digay inuu cimri-dherer iyo jid doorashada wakhtigeeda dib loogu dhigayo ka dhigto dib u celinta labadan Xubnood.

GUDDOOMIYE FAYSAL IYO GUDDOOMIYE CIRROSIILAANYO

Hase-yeeshee, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubaa, ahna Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa warkaas oo maalmahanba la isla dhex-marayey Weriyeyaashu maanta wax ka weydiiyeen waxa ka jira iyo waxa uu kala socdo in Madaxweynuhu Xubnaha ay Guddiga doorashooyinka u magacaabeen ee kala ah WADDANI oo magacaabay Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo UCID oo magacaabay Cabdifataax Ibraahin Sheekh Xasan oo ah xubinta Guddiga wakhtigeedu dhammaanayso ee doorashada hore ugu meteleyey UCID oo uu Xisbigu dib u magacaabay.

Waxaanu Xildhibaan Buubaa ku dooday inaanay weli soo gaadhin Warqad rasmi ah oo uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI u magacaabeen Guddiga doorashooyinka Qaranka, balse warkaasi soo gaadhay oo ay warbaahinta qaarkeed faafiyeen. isla markaana aanay jirin sabab sharci ah oo uu ku coo celiyo ama ku soo celin karo Madaxweynuhu labadaas xubnood haddii aanu cimri-dherer iyo in la isku riix-riixo oo doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo rabin Madaxweynuhu.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Buubbaa oo arrintan iyo qodobbo kale-ba kaga jawaabaya su’aalaha ay Weriyeyaashu ka weydiiyeen waxay kala socdaan diidmada Madaxweynaha ee xubnaha Mucaaridka.

Magacaabista Xubnahan ay labada Xisbi u xuleen Guddiga cusub ee doorashada, ayaa yimi ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo bishii hore Warqad u qoray Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, isla markaana ka dalbaday inay soo magacaabaan Xubnaha Sharcigu siiyey ee uga mid noqonaya Guddiga doorashooyinka ee cusub ee beddeli doonta Guddigii hore oo dhammaadka wakhtigooda oo sharciyan shan sano ahaa ku buuxo 29-ka bisha October ee sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka, iyadoo la sheegay inuu Madaxweynuhu kala diray Guddigii hore waloow aanu Wareegto rasmi ah oo uu ku kala diray soo saarin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.