Muqdisho: Dhakhtar ku guulaystay Qalliin culus oo uu ku sameeyey Hooyo Soomaaliyeed

Muqdisho(Aftahannews):- Dhakhtar Soomaaliyeed oo ka hawlgala Cusbitaalka Abu Bashiir ee magaalada Muqdisho, ayaa ku guulaystay Qalliin culus oo uu ku sameeyey Hooyo Soomaaliyeed oo muddo dhibaataysnayd, isla markaana meelo badan oo kala duwan la soo mariyey oo hore waxba looga qaban kari waayey.

DHAKHAATIIR QALLIIN KU SAMAYNAYA HOOYO SOOMAALIYEED

Dr. Cadbullaahi Xuseen Cabdi oo ku guuleystay qaliinka uu ku sameeyay Hooyo Dahabo Cabdulle Ciise oo buro ay kaga soo baxday dhanka kelida, isagoo Alle uga mahadceliyay qaliinka uu maanta ku guuleystay.

Sidoo kale, Dhaqtarkan ayaa sheegay in Hooyadan Soomaaliyeed markii loo keenay baaritaanadii ay ku sameeyeen ay u soo baxday in burada ay waxyeelo gaarsiisay mid ka mid ah kelideeda, taasi oo ay ka saareen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.