Magaca Wiil ka mid ahaa Qoyska Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu dilay Ciraaq oo uu ka dagaallamayey

Ciraaq(Aftahannews):- Mid ka mid ah Soomaalida ka barbar-dagaallamayey Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish ee dagaalka ka wadda dalalka Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka mid ah, ayaa lagu dilay gudaha waddanka Ciraaq oo uu dagaalka kaga jiray, kaasoo ka mid ahaa Dhalinyaro Soomaali ah oo dhawaanahan si aad ah ugu biirayey Kooxdaas oo awooddeeda walaac laga muujiyey.

WIILKA SOOMAALIGA AH EE KU DHINTAY DAGAALKA CIRAAQ EE DAACISH

Wiilkan Soomaaliga ah ee ka garab-dagaallamayey Islaamiyiinta Daacish ama ISIS loo yaqaanno oo Bishii Ramadaan dawlad Islaami ah kaga dhawaaqay Ciraaq iyo Suuriya, ayaa wararku sheegayaan inuu Adeer u yahay Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), hase-yeeshee, sida magiciisa la helay ka muuqata waxay noqonayaan il-maadeer ama ilma-adeer, waxaana la sheegay in Wiilkaas lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax Shirdoon, balse waxa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa Qoyska Raysal-wasaarihii hore ee Federaalka Soomaaliya Mr. Saacid.

Wargeyska CBC News oo kasoo baxa dalka Canada oo uu Maxamed Faarax Shirdoon ku noolaa, ayaa daabacay in Wiilkan uu afar bilood ka hor ku biiray kooxdaas, isla markaana lagu dilay gudaha dalka Ciraaq ee uu dagaalka ay waddo Kooxda Daacish kaga jiray. Sidoo kale, Waaxda amniga ee dalka Canada, ayaa sheegtay in warkan ay ka heshay xilli ay si weyn uga war-haysay xaaladda uu mar walba ku sugan yahay Maxamed Faarax Shirdoon.

Ruux ay walaalo yihiin wiilkan Soomaaliyeed ayaa baraha Internet-ka ee ay Bulshada ku wada-xidhiidho ku qoray in kooxda Daacish ay shaacisay geerida Wiilkan, inkastoo aanay jirin warar dheeraad ah oo ku saabsan geeridiisa oo uu ruuxani ku sheegay qoraalka uu Internet-ka ku baahiyey. Balse, waxa uu Sheegay inay Meydkiisa aaseen Mujaahidiinta Daacish oo u badan dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Carab.

Kooxda Daacish ee ISIS, ayaa waxa dhawaanahan si xawli ah ugu biirayay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka imanaya dalal kala duwan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalka Yurub, Waqooyiga Maraykanka iyo dalalka Denmark, Finland iyo Norway, si ay uga garab-dagaallamaan Kooxda Islaamiyiinta ah ee Daacish, kuwaasoo Gabdho iyo Wiilal dhalinyaro ah oo wax bartay isugu jira.

Dhallinyarada haatan kooxda ISIS u dagaallamaysa, ayaa waxaa ka mid ah Wiil uu dhalay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasoo muuqaal laga duubay markii uu kooxdaas ku biiray Bishii Ramadaan maalintii Ciidul-fidriga ee sannadkan la baahiyey, Wiilkaas oo lagu magacaabo Xuseen Faarax Cali Waraabe.

Waxaana sidoo kale weli ku qulqulaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo Qurbaha ka tegaya, kuwaasoo marka ay Kooxda ku biiraan sheega intooda badan inay Jihaad rasmi ah oo Islaamka lagu xoraynayo halkaas ka bilaabayaan, iyaga oo Gabdhaha dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ee Kooxdaas ku biiray oo tira-ba illaa shan ahi ay sheegeen inay noqonayaan Xaasaska Mujaahidiinta Daacish.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.