Tirada Odayaal Beesha Cabdalla Arab ka tirsan oo Xabsiga Burco loo taxaabay iyo Xogaha ku Xeeran

Burco(Aftahannews):- Qaar ka tirsan Odayaasha Dhaqanka iyo Cuqaasha Beesha Cabdalla Arab ee ay Beesha Habar-jeclo ku muransanaayeen deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Burco, ayaa mar dhawayd oo caawa ah Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii go’aan diidmo ah oo Beeshoodu ka qaadatay qaabka ay xal u helidda shaqaaqada halkaas ka taagan u gudbiyeen Wefti Xukuumaddu dirtay habeen-hore oo Burco ku sugan, sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Oday Iid Aw Axmed.

bth_Breaking-News

Balliga Diirye Guuleed oo 18 Kiiloo-mitir dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Jimcihii dagaal ka dhacay, kaasoo sababay dhaawaca saddex qof oo laba ka tirsani ahaayeen Abbaanduulihii qaybta Millateriga ee gobolka Togdheer iyo Taliyihii Ciidanka Booliska dawladda Hoose ee magaalada Burco iyo hal qof oo shicib hubaysan ahaa.

Deegaankaas ayaa Jimcihii waxa ka dhacay dagaal ay Dhalinyarada Beesha Cabdalle Arab kaga jawaabeen hawlgal lagu baabbi’inayey Dargado, Waabab iyo Balliga Diirye Guuleed oo la aasayey, hawlgalkaas oo fulintiisu qayb ka ahayd go’aan ay toddobaadkii hore deegaankaas oo lagu muransan yahay Maagalayntiisa ka soo saareen, isla markaana ku sheegeen inay go’aamiyeen in Deegaanka Balliga Diirye Guuleed ahaado Dhul-daaqsimeed aan magaalo shaqo ku lahayn, Barkado laga qodayey iyo Dargado laga dhisayna la baabbi’iyo, iyadoo Barkadaha hore loo aasay.

Markaas ka dib waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu u direen Shaqaaqadaas Wefti uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Guddoomiyaha Hay’adda Ababaabul-ka-saarka Qaranka Jamaal Caydiid Ibraahin iyo Xubno kale oo ka tirsan Golayaasha oo dhammaantood ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab ee Degta Burco iyo nawaaxigeeda.

Waxa la sheegay inay is-mari-waa iyo wadahadal dheer ka dib, Weftiga Xukuumaddu dirtay Beeshooda u soo jeediyeen aakhirkii markii ay waxyaabo badan isku diideen inay iska soo saaraan Odayaal Weftiga Xukuumadda u soo raaca magaalada Hargeysa, isla markaana la kulma Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.

Hase-yeeshee, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Odayaasha Beeshu Shir ay caawa yeesheen ka dib, ayay ku diideen aqbalaadda soo-jeedintaas Weftiga oo ahayd tii ugu dambaysay, isla markaana Afar Oday oo Weftiga gaadhsiiyey go’aanka ay Beeshu ku diidday inay Hargeysa u soo raacaan oo ay Madaxweynaha la kulmaan ayaa Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii sida la sheegay go’aankaas ay Weftigu ka xumaadeen, isla markaana uu Taliyaha Boolisku amar ku bixiyey in la xidho Afarta Oday ee go’aanka ay ka biyo-diideen hor-keenay Weftiga Xukuumadda, ka dib markii sida la sheegay inay Xildhibaan Nacnac iyo Xubnaha kale ee Weftigu soo jeediyeen in la xidho.

Waxaana Aftahannews u suurto-gashay inuu helo saddex ka tirsan Odayaasha Beesha Cabdalla Arab ee caawa lagu xidhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanay u dhignaayeen saddexdaas Oday Magacyadoodu sidan sida uu Oday Iid Aw Axmed u xaqiijiyey Aftahannews:-

Caaqil Xuseen ileeye (Indha-cadde)

Cabdillaahi Khayre Naalleeyo

Cali Xagaa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.