Muhiimadda Qodobbo ka soo baxay Wadahadal dhex-maray Qaramada Midoobay iyo Maamulka Puntland

Garoowe(Aftahannews):- Qodobbo kala duwan oo dhawr ah, ayaa ka soo baxay wadahadal dhex-maray Qaramada Midoobay iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ka dib markii ay dhinacyo kala duwan wax iskala eegaan, qodobbadaas oo muhiimad kala duwan u leh Puntland.

NICHOLAS KAY IYO CABDIWALI GAAS

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdi-weli Cali Gaas, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Kay,kadib markii uu maanta soo gaadhay magaalada Garoowe.

Dan-jire kay iyo madaxweyne Gaas ayaa waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay isla qaateen,kadib markii kulankoodu dhamaaday ayaa labada masuul si wada-jira shirjaraa’id u wada qabteen.

Madaxweyne Gaas oo hadalka ku horreeyay ayaa waxa uu xusay in arrimaha ay isaga Nicholas Kay isla gorfeeyeen ay ka mid yihiin.

  1. Xidhiidhka ka dhexeeya xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.
  2. Xidhiidhka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland oo xilligan aan wanaagsanayn.
  3. Qaabka loo waajahayo doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay Soomaaliya ka qabsoomto sanadka 2016 iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in arrimaha uu Madaxweyne Cabdi-weli Gaas kala hadlay ay kamid ahayd dib u soo celinta xidhiidhka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo iyo maamulka Puntland, arrintaas oo sida uu tilmaamay ah mid aad muhiim u ah. “Wada-hadal,kadib waxaan rajaynayaa in xidhiidhka dowladda Puntland iyo Faderaalka uu si tartiib tartiib ah u soo hagaagayo, aniguna waxaan ku dadaalayaa in wax kasta oo suurtagal ah xidhiidhkaasina ku soo noqon karo aan ku dadaalo” ayuu yidhi.

Danjire Kay ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah oo magaalada Garoowe kula kulmo madaxda dhaqanka ee Puntland oo iyagu kamid ah qaybaha ugu muhiimsan bulshada.

Dhinaca kale, Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay, ayaa la filayaa inuu Isniinta beri soo gaadho caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland martiqaad rasmi ah u fidisay. Ergayga ayaa Somaliland joogaya laba maalmood, waxaanu ka soo kicitimayaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa dhawaan cadeeyay inay Somaliland martiqaaday danjiraha. Danjiraha ayaa marka uu Isniinta yimaado waxa la filayaa inuu la kulmo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay isugu dambaysay June 2013, markaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo ergayga ku wargeliyay inaan xafiiskiisa UNSOM looga baahnayn Somailland maadaama oo uu ka soo horjeedo danaha qaranka Somaliland, waxaana danjiraha gacanta laga geliyay warqad cadaynaysay mawqifka dawladda Somaliland ee xafiiskiisa.Hase yeeshe wada hadalo uu

Wasiir Biixi ergayga kula yeeshay magaalada London ka dib waxa la isla qaatay inuu ergaygu Hargeysa yimaado lana wada hadlo. Waana sababta uu Nicholas Kay sannad iyo laba bilood ka dib Beri u soo beegsanayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.Lama arag dagaal toos ah oo uu danjire Nicholas Kay kala horyimid Somaliland mudadaas ay kala maqnaayeen waxase la aaminsanyahay inuu haddana hoosta ka waday dagaalo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Somailland ayaa hore u baahiyay inay xukuumaddu u xod-xodanayso ergayga bal inuu ka caawiyo sidii looga hortagi lahaa warbixin la sheegayo inay kooxda UN Monitoring group ka diyaarisay shidaal baadhista Somailand,taas oo la aaminsanyahay in lagu soo qaadan doono qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland, inkastoo ay UN monitoring group awood ka haysato xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.