Joojinta Xiddigaha Geeska ee SLNTV, Cakusihii Shaley & Maanta + Lunsiga Lacagtii Xuska 26 June 2014

Hargaysa(Aftahannews/RMedia) :- Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Xiddigaha Geeska, ayaa guud ahaanba TV-ga Qaranka Somaliland (SLNTV) xataa Sawir ay leeyihiin inuu ka soo muuqdo iyo heesohooda-ba laga joojiyey.

Waxaana Bandhig-faneed ay Hargeysa ku dhigeen Fannaankiin reer Jabuuti ah oo toddobaadyadii u dambeeyey Caasimadda ku sugnaa, Xayaysiis loo sameeyey laga saaray Sawirka Fannaanka Maxamed Siciid BK oo ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska, ka dib markii ay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (ilka-case) iyo Maareeyaha Telefeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas, kuwaasoo aan la garanayn sababta ay sidaa foosha-xun u yeelaan, balse waxay daba-socdaan go’aan hore uu Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse ku joojiyey.

Geesta kalena, Sida Laga War-qao sanad kasta oo Xaflad Qaran la qabanayo waxa dawladdu u qorshaysaa kharash-hawleed xafladdaa loogu talo-galo sanadka xuskii xaflada june ayaa madaxtooyada somaliland waxa lagu qabtay xaflad aad u qurxbadan xafladaa waxa ka heesayay sadex kooxood oo fanaaniin ah waxaanay kala ahaayeen.
01- fanaaniinta Qaranka
02 fanaaniinta qurba jooga ah- waxaana ka mid ahaa cadi qaboojiya, halwad, naasir cunjuf oo Madax-waynaha ay isku jilib hoose sadexdaba yihiin isla markaana dibada laga soo casuumay oo ay ku baxday lacag dhan 150,000 boqol iyo konton kun oo dollar ,

cakuse

03- Waxaa Kale oo xafladaa joogay Kooxda Xidigaha geeska oo si wayn heesahooda Loola dhacay madaxwaynuhuna u mahad Celiyay-
Hadaba kharashkii fanaaniinta loogu tala galay waxa islamarkiiba dawladu siisay Kooxda fanaaniinta qaranka iyo kuwa Qurba jooga ah balse kooxda Xidigaha geeska wax kharash ah lama siin ilaa hadana lama yaqaan wax looga haysto-
si aan arintaa wax uga ogaano ayaan Fanaan ka tirsan kooxda xidigaha geeska wax ka waydiinay wuxuuna si fudud u yidhi- walaal anaka lacagtii xaflada june nalama siin laakiin kooxihii kale xaflada ka horba waa la siiyay-
si aan arintaa u xaqiijino ayaan la xidhiidhnay labadii kooxood ee kale waxaanay noo sheegeen inay qaateeen
hadaba su,aasha is waydiinta lihi maxay tahay fanaaniinta xidigaha geeska maxaa looga haystaa lacagtoodii ilayn kuwa kaleba waata la siiyee?
kooxda xidigaha geeska ma aha shaqaale dawladeed marka 30ka qof ee kooxda laga reebo laba qof oo kaliya oo mushaharkii dhawaan cukuse ka jaray
qaranka waxay ugu heesayeen wadaninimo
hadaba lacagtii kooxda xidigaha geesaka waxa Lunsaday Agaasimaha guud ee warfaafinta iyo Mr Ilkacase iyo Maareeyaha tv-ga oo labaduba musuq maasuq ku caan baxay?
waxaanan soo bandhigi doonaa lacago farabadan oo ay lunsadeen oo kale oo aan soo gaadhin cidii lahayd balse banka somaliland ka soo dhamaatay oo agaasimaha guud iyo maareeyaha tv-gu lunsadeen cadaymo faahfaana aan hayno.

Waxaa Sidoo kale layaable in wasiir cakuse iyo Agaasimaha guud ee warfaafintu ay koox Fanaaniin ah ka soo kireysteen dalka Ethopia gaar ahaan Kililka Shanaad taasi oo ay Dilaal inay ka helaan ugu talogaleen waana sabta ay u eedaynayaan kooxdan oo aan abid Soomarin Mudo laga joogo 22 sano .

Daawo Hoos

Iyamuu saxsanyey Wasiir Cukuse?

Xigasho Rasmimedia.net

Hargaysa/Somaliland.