Tiir-dhexaad ka baxay Saxaafadda Somaliland oo Si Heer Qaran ah loogu Aasay Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Suxufigii caanka ahaa ahaana Maareeyihii Wargeysaka madaxa-bannaan ee Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa shalay gelinkii hore si heer Qaran ah loogu aasay Xabaalaha Naasa-Hablood ee Waqooyi-Bari ee magaalada Hargeysa.

IMG_3889-1024x768IMG_3868-1024x768

IMG_3890-1024x768IMG_3891-1024x768

 IMG_3918-1024x768  dfdg  IMG_3869-1024x768 IMG_3872-1024x768 IMG_3873-1024x768 IMG_3874-1024x768 IMG_3875-1024x768 IMG_3876-1024x768 IMG_3884-1024x768 IMG_3885-1024x768 IMG_3886-1024x768 IMG_3887-1024x768 IMG_3889-1024x768 IMG_3892-1024x768 IMG_3893-1024x768 IMG_3895-1024x768 IMG_3896-1024x768 IMG_3898-1024x768 IMG_3899-1024x768 IMG_3900-1024x768 IMG_3901-1024x768 IMG_3902-1024x768 IMG_3903-1024x768 IMG_3907-1024x768 IMG_3908-1024x768 IMG_3909-1024x768 IMG_3910-1024x768 IMG_3911-1024x768 IMG_3912-1024x768 IMG_3913-1024x768 IMG_3916-1024x768

Marxuum Cabdiweli oo gelinkii dambe ee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii u danbeeyey ku xanuusanayay, ayaa aaskiisa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Masuuliyiin Sar-sare oo Xukuumadda ka tirsan, Suxufiyiin tiro badan, Culimo-awdiin, Abwaanno iyo dad kale oo tiro badan. Waxaanay dadkaasi ducada ay u duceeyeen kasokow ka sheekeeyeen Taariikhda iyo Shaqsiyadda fiican ee uu Allaah ha u naxariistee Marxuumku ku sifoobay intii uu noolaa oo aan la soo koobi karin.

Masuuliyiintii kala duwan ee ka soo qayb-gashay Aaska Marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa Tacsi u diray guud haan Ehelkii iyo Bahda Warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Cabdiweli, isla markaana waxay ay ALLAAH uga baryeen inuu denbigiisa dhaafo, Jannada Fardawsana inuu ka waraabiyo.

Inkasta oo qoraallada danbe aannu idiinku soo gudbin doonno taariikhda Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo dhammaystiran, haddana rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Cabdiweli wuxuu ka mid ahaa odoyaasha saxaafadda Somaliland. Waxa lagu xasuusa doonaa inuu ahaa nin furfuran, kaftanyahan ah, isla markaana dadka wax bari jiray. wuxuu ahaa dadka ilaahay hibada u siiyey tarjumaadda buugaagta iyo qoraalada afka ingiriisiga ku qoran.

Illaahay ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaanbiir muddooyinkan wuu xanuusanayay, isagoo todobaadyadii ugu danbeeyey ku jiray cusbitaalka ku yaalla Hargeysa oo uu shalay galab ku geeriyooday, ilaahay qabriga ha u nuuro, jannada fardawsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo guud ahaab bahda warbaahitana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Allaah ha u naxariistee, Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa mid ka mid ah dadka aqoonta Saxaafadda leh ee muddada ka soo shaqaynayey Warbahainta kala duwan ee dalka Somaliland, isagoo ka soo shaqeeyey Wargeysyada Jamhuuriya, The Repuplican, Telefeshinkii ugu horreeyey ee Somaliland laga hirgeliyo ee Somaliland TV oo markii dambe magiciisa loo beddelay Somaliland Space Chenal, waxaanu markii dambe illaa 2006-dii ka shaqaynayey Wargeyska Ogaal oo uu abuuray Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir, kaasoo uu markii dambe Guddoomiye ka noqday, iyaga oo Wargeysyadaasi dhammaantood ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa muddada uu Saxaafadda Somaliland ka shaqaynayey lagu bartay soo saarista Barnaamijyo xiiso badan oo taariikhda Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo sidii ay Somaliland ku xoreeyeen, isla markaana waxa kale oo uu caan ku ahaa baahinta iyo diyaarinta Barnaamijyo Taariikhda dalalka Caalamka ah, Turjumaadda Buugaag kala duwan oo aad loo jeclaysan jiray wakhtigii uu waday iyo Curinta Sheekooyin Dhab ah oo uu qori jiray.

Waxa kale oo uu Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir caan ku ahaa oo uu ka mid ahaa Macallimiinta aqoonta badan leh, isla markaana soo saaray Jiilal badan oo kala dambeeyey, waxa uu wax ka dhigi jiray Iskuullada dawliga ah bilawgii 2000, waxa kale oo uu kaga sii magac iyo milgo weynaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuura-diin, Dugsigii Waaberi, Aflax iyo kuwo kale oo uu ka dhigi jiray Luuqadda English-ta (Ingiriisida), isla markaana Arday badani ka aflaxeen, aadna ay Ardaydu u jeclayd wax dhigistiisa iyo fahansiinta casharrada, maaddaama oo uu Hodan ku ahaa Luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliga, kuna hadli jiray Luuqadaha Talyaaniga, Sawaaxiliga iyo qaar kale.

Allaah ha u naxariistee waxa uu Cabdiwali Faarax Jaambiir hirgeliyey ama sida Ugxanta ama Beedka u dillaaciyey dhalinyaro kala duwan oo maanta ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo Warbaahinta caalamiga ah, sida Idaacadaha BBC-da, VOA-da, TV-yada kala duwan, Wargeysyada iyo Website-yada ama Shabakadaha wararka ee Somaliland, kuwaasoo uu si weyn oo hagar la’aan ah u soo gacan-qabtay muddadii uu Bahda Saxaafadda Somaliland ka tirsanaa.

Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa nin Dabeecad furfuran oo kaftama, isla markaana dadka u fiicnaa, inkasta oo uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyey xanuunsanayey oo aanu aad uga dhex-muuqan Warbaahinta, waxa ay tiisii noqotay Allaah ha u naxariistee maanta oo uu ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa oo ku yaalla Xaafadda New Hareysa oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee Caasimadda Hargeysa.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxa uu muddadan dambe u jiifay Xanuunka Joonis-cadka (Hepitits B), kaasoo uu maanta u geeriyooday. Marxuumku wax Carruur ah ifka kagama tegin, waxaanu guursaday laba Xaas oo ay midkood kala-tageen, Haweenayda labaad-na ay hadda wada-joogeen. Hase-yeeshee, Cabdiwali waxa lagu xasuusan doonaa waxa uu ku tabcay oo uu soo saaray dad badan oo weliba u badan dhalinyarada reer Somaliland ee kacaamay bilawgii sagaashamaadkii, kuwaasoo ay wax-barashada isku soo gaadheen.

Isla markaana aqoon, dhiirrigelin, gacan-qabasho iyo wax la-qabashaba uu ugu deeqay. Waxa uu ahaa ruux qalbi wanaagsan oo jecel in qofkastaa horumar gaadho, isla markaana aad u dhiirrigeliya oo si weyn ula talin jiray dhalinyarada uu arkay inay dedaalayaan, kuwa dedaalkoodu kooban yahayna kula talin jiray inay dedaal muujiyaan oo ay higsadaan kuwa hadba muraayadda ama hormuudka u ah ee iyaga ka horreeyey, isaga oo si cilmiyan ah ugu sheekayn jiray dadka uu wax u sheegayo.

Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, aqoonta badan ee uu lahaa kasokow waxa uu ahaa Shaqsi waayo-arag ah oo dalal badan oo dibedda ah ka soo shaqeeyey, isla markaana aqoonta uu dhalinyarada u gudbinayey ku dabiqi-jiray waayo-arag-nimadiisa oo ay dhalinyaro badani casharro dhaxal-gal ah oo dhinaca nolosha iyo horumarinteeda ah ka qaateen ama uga aayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID, WADDANI, Shir-guddoonka Golayaasha Baarlamaanka Somaliland iyo Madax-dhaqameed kala duwan, ayaa guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxaanay si gaar ah uga tacsiyadeeyeen Qoyska, Ehelka, Qaraaabada iyo Asxaabta uu ka baxay, waxaanay Marxuumka ALLAAH uga beryeen inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo, Sami iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Saxaafadda iyo Bahda Waxbarashada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir.

Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxaannu haddaannu nahay Bahda Warbaahinta Aftahannews ALLAAH uga baryeynaa Cabdiwali inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland. Aammiin…..Aammiin….Aammiin. Innaali-laahu Wa-innaa-ileyhi Raajucuun. Allaah baa innoo sheegay in Nafkastaa ay dhadhamin doonto geerida malain ka mid ah maalmaha ay adduunyada ku sugan tahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.