Weji-gabax Wasiir Xukuumadda ka tirsani kala kulmay Magaalada Burco

Burco(Aftahannews):- Wasiir Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Somaliland ka talisa ka tirsan, ayaa Weji-gabax kala kulmay Burco, ka dib markii ay Boqollaal ka tirsan Dadwaynaha ku dhaqan magaaladaas ay ku muddaharaadeen.

S2350022-300x168

S2350021-300x168

S2350019-400x215

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa lagu soo warramayaa inay boqollaal ka tirsani ku muddaharaadeen Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo socdaal shaqo ku tegay magaaladaas, kuwaasoo bannaan-boxooda kaga cabanayo caddaalad-darro ay ka tirsanayeen Hay’adaha Garsoorka ee heer gobol iyo degmo.

Dadkan ayaa muddaharaadkooda ku soo beegay wakhti uu Wasiirku gelinkii hore ee Arbacada uu Kaamboolka Maxkamadaha Burco ka dhagax-dhigayey dhisme loo binayn doono Xafiiska ay Wasaaradda Caddaaladdu ku yeelanayso magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee heer gobol.

Waxay dadka muddaharaadka sameeyey isugu jireen kuwo kacabanayo caddaalad-darro ay sheegeen inay ka tirsanayaan Hay’adaha Maxkamadaha magaalada Burco ee heer gobol iyo degmo iyo dad kale oo buuqa iyo qaylada ku ladhay kuwa ka cabanayey Caddaaladda.

Dadwaynahan oo Kiisas uga socda Maxkamadaha magaalada Burco oo Kaambool ku wada jira, ayaa hadalo qaylo iyo cabasho ah ku bilaabay, Xuseen Axmed Caydiid, iyadoo Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo goobta joogay indhahooda ku arkayeen iyadoo dadku ka dalbanayaan wasiirka inuu wax ka qabto dhibaatada Garsoorka Gobolka ay kala kulmeen.

Caasha Axmed Cali oo ka mid ahayd dadwaynahaa cadaalada ka cabanayay, ayaa iyadoo Oohin darteed Ilmaynaysa ku tirowday; “Waxan la ooyayaa dhibaato, dhibaato ayaa naga haysata meeshan”

Warsame Nin magaciisa ku sheegay oo Wariyeyaasha Gobanimo la hadlay ayaa isna sheegay. “Waxaan ka cabnayaa maxkamadaha Burco Guri dhaxal ah oo aanu isku haysano ayuu xayiraadii u diiday,nin garsoore ah oo la yidhaahdo jaamac nuur.” Sidaa ayuu yidhi.

“Waxaaanu wasiirka ku leenahay naga bedel garsoorayaashan mid waa cayn ee naga bedel,miyaa la qabtaan Wasiir.” Sidaasna waxa wasiirka u sheegay nin oday oo aanaan magaciisa aqoonsan.

“Sideed iyo Toban sano ayaan maxkamada ku jiray oo cadaalad daro iga haysatay.” sidaas waxa ku qaylinaysay islaan kale oo da,ah.

Mid ka mid ah Haweenka Wasiirka ku muusanaabay ayaa iyana sheegtay in Gabadh yar oo ay waday laga kufsaday. “Inanta yar ee dhawrka sano jirtay ayaa layga kufsaday, mudadiina way igu dheeraatay marwalba dariiqa masoo haynkaro.” Sidaa ayuu yidhi. Waxxaanu intaas raaciyey oo yidh; “Garsoore  ma hayno, shicibkaa wasiiro ku tihiin ee hoos hanaloo eego.”

Wasiirka ayaa dadwaynaha cabanayay wax rejo ah oo uu ku qancinayo u sheegin, isagoo ku dooday in bedelka Garsooreyasha Gobolku aanay dhaqaale ahaan xilligan suurto gal ahayn. “Hadii aan kuwan bedelno oo aan keeno qaar gobollo kale ka yimi, taasi waxba kordhin mayso oo Nin Garsoore ah oo Gobolka aan u dhalan oo reerkiisii aanu degenayn hadii aan keeno dhibaato ayay keenaysaa” ayuu ugu jawaabay dadweynaha Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.

Si kastaba ha ahaatee maxakamadaha sadexda derejo ee Gobolkan Togdheer ayaa waxa  buux dhaafiayay kiisas in badan hor yaalay iyo kuwo Fulin uun u baahan oo aan wax talaabo ah laga qaadin, arrintaasoo qayb weyn ka ah cabashada shacbiga ee Wasiirku la kulmay.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa marar badan ku faanta in isbedelkeeda Siyaasiga ah ee Afar jirsaday wax weyn ka bedelay dhibaatooyinkii Garsoorka bulshadu kala kulmi jirtay, hase ahaatee dhacdadani waa mid sawir wanaagsan ka bixinaysa cabashooyinka taagan heerka ay gaadhsiisanyihiin.

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday Caqabado iyo Faa’iidooyin is-barkan oo ay Muwaaddiniintu kala kulmi doonaan diiwaangelinta Madaniga ah iyo qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Somaliland-nimada Muwaaddinka caddaynaya, waxaanay Xukuumaddu sheegtay in bisha 9-aad (September) ee sannadkan 2014-ka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.