Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Muxuu ka yidhi Geerida Suxufi/Bare C/Wali Faarax Jaambiir?

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Axsaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistii Suxufigii caanka ahaa ee Cabdiwali Faarax Jaambiir oo gelinkii dambe ee Arbacadii maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

CABDIWALI FAARAX JAAMBIIR AFTAHANNEWSddCabdiraxmaan-Cirro

Waxa sidaa lagu sheegay War-qoraal ah oo ka soo baxay xarunta Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiramxaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews waxa uu u qornaa sidan:-

“Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasakii, caruurtii, eheledii, qaraabadii uu ka baxay.
 
Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday maanta magaalada Hargeysa 
Waxaanu Eebe uga baryayna innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo.Aammiin……….. Aammiin…………..Aammin.”
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.