Somaliland: Wasiir Xirsi Xujaajta iyo Xoolaha ma ka qaadi doonaa Xayiraadda Sucuudiga?

Sheegashada Xirsi ee kulanka dhex-maray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku soo beegantay xilli sannadkii labaad loo walaacsanyahay Xujaajta Somaliland

Riyadh(Aftahannews):- War lagu baahiyay warbaahinta Somaliland ayaa lagu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland si meeqam sare ah loogu qaabilay qasriga boqortooyada Sucuudiga.

boqor6boqor3   boqor7 boqor1 boqor2

Inkasta oo aan xaqiiqda warkan laga soo xigan Wasiirka, isla markaana Warbaahinta dawladdu baahin, hadana sida ka muuqata sawirro warbaahinta la soo gaadhsiiyay Wasiirka ayaa kulankaasi waxa ku wehelinayay xubno ka mid ah dawladda oo uu ka mid yahay xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsani.

Dhaxal sugaha Boqortooyada ee uu Xirsi la kulmay, ayaa magaciisa lagu sheegay  Amiin C.Razmaan Bin Cabi Caziiz Aala Sucuud oo ay walaalo yihiin Boqorka Sucuudiga Boqor  Cabdalaha.

Waxa la sheegay inay  ka wada hadleen xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee ay wadaagaan labada dal ee boqortooyada sucuudiga iyo Somaliland iyagoo isla jeex jeexay, waa sida warka lagu yidhiye, kana dooday sida muhiimka ay u tahay in la sii adkeeyo xidhiidhka  ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah .

Wasiirka ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay xiladhibaan c.laahi balaki safiirka somaliland ee sacuudiga Cabdala Musa Kuwati iyo Wakiilka Somaliland Ee Makkah Safiir Ahmed Adan Dagaaal Safiina .

Xirsi oo laga soo wariyay inuu la kulmay dhaxal suge sucuudi ah

Xirsi ayaa safar bilowgii ujeedkiisa lagu sheegay arrimo cibaado oo cimrada uu ku soo gudanayo, ku tegay Sucuudiga, waxaase maalmihii ugu dambeeyay warbaahintu tebinaysay kulamo uu la yeelanayay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sucuudiga oo kulamo ku marti qaaday.

Noocan diblomaasiyaddeed ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ku joogo dalka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya xilli cakirani ka taagantahay bariga dhexe iyo duwalka Carabta oo uu sucuudigu dawladdaha ugu awoodda badan ka mid yahay xagga siyaasadda.

Hase ahaatee dawladda Riyaad, ayaan aqoonsanayn dawladda Somaliland, kana mid ah wadamada carbeed ee sida cad uga soo horjeeda gooni-isutaageeda 23 jirsaday.

Tani waxay micno aan buurnayn u yeelaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo uu Xirsi ka sameeyo dawladda sucuudiga dhexdeeda, maadaama aanay ahayn mid aqoonsan jiritaanka nidaamka uu ka socdo, wasiirkana ka yahay.

Hadiise isbedel ku yimi siyaasadda Sucuudiga ee Somaliland, isla markaana wax uun iska bedeleen mawqifkii hore ee Boqortooyada dalkaas ka talisa, waa mid uu fursad uga faa’idaysan karo.

Xajka iyo Xoolaha

Xujaajta Somaliland ayaa labadii sanaddood ee ugu dambeeyay culays badani ka soo fuulay sharciyadda dal ku galka ay xajka ku tegayaan, kaddib markii ay Boqortooyada Sucuudigu joojisay in lagu galo dalkeeda Baasaaboorkii hore ee Soomaaliya.

Taasi waxay dadka reer Somaliland ku khasabtay inay qaataan Pasport-ka cusub ee soomaaliya oo aanay dawladdu ogolayn, balse ay ku khasbanaadeen, una doontaan Gobollada Soomaaliya.

“Dawladda Soomaaliya waxay go’aansatay inay rabitaanka Pasport-ka u fududeyso dadka gobollada Somaliland ka soo doonanaya”sidaasi waxa yidhi Taliyaha waaxda Socdaalka Soomaaliya Gen. Gafow.

Caqabada diidmada Pasport-koodu, waa mid wali haysata Muwaadiniinta Somaliland ee sanadkan xajka isu diyaarinaya.

Dhinaca kale, Xoolaha nool ee Somaliland dibada u dhoofiso, oo saylada ugu weyn ee loo iib-geeyaa tahay dalka Sucuudiga ayaa waxa sanadihii u dambeeyay la soo celiyay dhowr jeer, kaddib markii xanuun lagu sheegay.

Sanadkan oo qudha ayaa ugu yaraan saddex jeer Sucuudigu soo celiyeen Xoollo tiro badan oo Geel iyo Lo’ isugu jira, waxaanay taasi keentay caqabad dhinaca dhaqaalaha ah oo soo waajahday Ganacsatada dhoofiyay Xoollahaas.

Hadaba arrinta isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay, dhibaatooyinkan wali taagan,  Wasiirka Madaxtooyada Siilaanyo ma kala hadli doonaa  masuuliyiinta Boqortooyada Sucuudiga hadii uu fursad u helo inuu la kulmo inta uu joogo dalkaas.

Maadaama oo gudaha dalka looga aqoonsanyahay shakhsi Kalsooni badan ka heysta Madaxweynaha, kuna jira xubnaha Golaha Wasiirrada ee lagu tiriyo inay xidhiidh dhow la leeyihiin Ururrada Islaamiga ah iyo dawladdaha carabta.

Xigasho Gobanimonews.com.