Boqorka Beelaha Habar-Magaado oo ka hadlay Khilaaf la baahiyey inuu dhex-maray Wasiir Waran-cadde

Hargeysa(Aftahannews):- Boqorka guud ee Beelaha Habar-Magaado Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay warar ay Saxaafadda qaarkeed baahisay toddobaadkan oo sheegayay inuu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Boqorka Magaado Boqor Maxamuud Cismaan Nuur iyo Wasiir Waran-cadde

Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu ku dooday in Wasiir Waran-cadde xilka uu hayo ka hor ay Saaxiib ahaayeen, immikana ay saaxiib yihiin.

“Wax khilaaf ahi nagama dhexeeyo Aniga iyo Wasiirka arrimaha gudaha, waxaanan beeninayaa wararka lagu baahiyey Warbaahinta ee ah inuu khilaaf na soo kala dhex-galay, aniga iyo Wasiir Waran-cadde, waxaan leeyahay waxaas waxba kama jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Boqorka guud ee Beelaha Habar-Magaado oo caawa Hargeysa kula hadlay Warbaahinta qaarkood.

Boqor Maxamuud Cismaan Nuur waxa uu tilmaamay in Wasiirka arrimaha guduhu ka mid yahay ummadda uu Madax-dhaqameedka u yahay, waxaanu yidhi; “Wasiirku wuxuu ka mid yahay ummadda aan Boqorka u ahay, Waalidkana u ahay, waxaana naga dhaxaysa wada-shaqeyn, maaddaama oo aannu nahay Madax-dhaqameed, isaguna yahay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.”

“Haddiise kaftan na dhex-maray, muu ahayn sida ay Warbaahintu u qortay, Wasiirnimada iyo xilka uu hadda hayo ka horna saaxiib ayaannu ahayn Cali Maxamed Waran-cadde, immikana saaxiib baannu nahay.” ayuu hadlakiisa sii raaciyey oo uu yidhi Boqorka guud ee Beelaha Habar-Magaado.

Boqor Maxamuud waxa uu ka hadlay Shir la sheegay in hindisihiisu socdo oo ay qabanayaan Beelaha Habar-Magaado ku abtirsada oo la baahiyey inuu ahaa ka khilaafka ka dhex-abuuray Boqor Maxamuud iyo Wasiir Waran-cadde.

“Shir Habar-Magaado iyo hawlo la xidhiidha oo aannu isku qabannay ma jiraan Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ee waxaasi waa ku-tiri-kuteen.” Sidaa ayuu yidhi Boqorka Beelaha Habar-Magaado Boqor Maxamuud Cismaan Nuur oo caawa magaalada Hargeysa ugu warramay Warbaahinta qaarkeed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.