Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka jawaabtay Baaq Dr. Gabboose kaga hadlay Cudurka EBOLA VIRUS

Hargeysa(Aftahannewws):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka jawaabaysa Baaq ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka tirsan Dhakhaatiirta dalka ee dhinaca hawlaha Caafimaadka muddada dheer ka soo shaqaynayey,  ayaa sheegtay inay Marinnada laga soo galo waddanka ee Madaarrada, Dekedaha iyo Xuduudaha dhulka ay ka hawlgalinayaan Shaqaale Caafimaad oo baadhitaan ku sameeya cid kasta oo soo galaysa, isla markaana ka baadhi doona Cudurka sida xawliga ah u gudba ee Ebola Virurs.

opolo

DR GABOOSE TNNwasiir-Xaglo-toosiye 

Cudurkaas oo aafeeyey dalalka Galbeedka Qaaradda Afriaka, dad tiro badanna ku laayey in badan oo kalena saamayn ku yeeshay, ayaa waxa markii ugu horreysay si faahfaahsan sharraxaad uga bixiyey Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo qoraal uu kaga hadlayo  calaamadaha iyo istaamaha uu leeyahay Cudurka EBOLA Virus iyo sida loogu baahan yahay inay Xukuumadda Somaliland uga hawlgasho ka hor-tagga iyo xakamaynta xanuunkaas soo saaray Axaddii toddobaadkan.

Sidoo kale, waxa uu Dhakhtar Gabboose tilmaamay saamaynta uu ku yeesho difaacyada Aadamaha iyo sida uu wax ku dilo, sida looga hortagi karo iyo sida uu xanuunkaasi halista u yahay. Cudurkaas oo uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) sheegay maanta in ay goobaha Madaarrada, Dekedaha iyo Xuduudaha dhulka ee ay Somaliland la leedahay dalalka Jaarka inay dhigayaan Shaqaale Caafimaad oo baadhitaanno ku sameeya dadka dalka Soogalaya, si ay Somaliland isaga xakamayso in xanuunkaasi u soo gudbo.

Haddaba, hadalka Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee maanta waxaa ka horreeyey Baaqa uu soo saaray Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo faahfaahinta iyo Tilmaamaha xanuunkaasi leeyahay ka sokow Wasaaradda Caafimaadka ugu baaqay inay ka hawlgasho sidii ay uga hortegi lahayd soo gudbidda EBOLA VIRUS, isla markaana Shaqaale Caafimaad oo aqoon u leh u dhigi lahayd goobaha dalka laga soo galo ee Cirka, Badda iyo Dhulkaba.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose qoraalka uu soo saaray oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Hadaannu nahay bahda cafimaadka xil Ba naga Saran umada .Waxaa Soo badanaya khatarta baahsan ee uu leeyahay cudurka Ebola.

“Ebola Virus Diseasea waa xanuun ku dhaca banii aadamka, kaas uu sabab u yahay, Virus-ka loo yaqaan Ebola calaamadaha xanuunkani waxay bilaabmaan laba cisho ka dib marka qofka jidhkiisa virusku ku jiray sadex todobaad (Sitimaan), Calaamadaha ugu waaweyn ee uu leeyahayna waxaa ka mid ah, Xumad jidhka oo dhan ah, Madax xanuun, yalaalugo, matag, shuban, iyo in ay shaqada yareeyaan kelyaha iyo beerku.

Sidoo kale dadka qaar waxay isku arkaan dhiigbax, xanuunkan wuxuu ku gudbi karaa marka qof uu la wadaago qof kale dhiig ama dheecaamada jidhka, mararka qaarna waxaa gudbiya xayawaanada qaarkood oo weliba Virus-kan jidhkooda ku jiro sida Daayeerka.

Xanuunkan wuxuu calaamadaha la wadaagaa, xanuuno kale sida Kaneecada, Daacuunka iyo xanuuno kale oo Viruses-ku hogaamiyaan, xanuunkan waxaa la ogaan karaa marka la arko calaamadihiisa, Ebola Virus Disease, wuxuu leeyahay ka hortag, daaweyntiisu weli maaha mid lagu guulaystay, marka xanuunku qof asiibo.

Waxaa loo bilaabaa dareere badan oo uu afka ka qaadanayo amaba xididka laga siinayo si loo ilaaliyo inaanu qofku fuuq bixin, sidoo kale waxaa muhiim ah in qofka la siiyo daawooyinka dhiig-joojiha ah, si looga hortago dhiig bax badan,waxaa intaa loo raaciyaa daawooyinka xanuun/Xumad baabiiyayaasha ah iyo weliba mararka qaar Antibiotics.

Baahsanaanta xanuunkan (Iminka) waxaa saldhig u ah waddamo badan oo Africa ah, si aad isaga ilaaliso inuu jidhkaaga galo Virus-ka Ebola, waxaad ku dedaashaa inaad gacmahaaga si fiican u dhaqdo/Maydho marwalba oo aad cunto cunayso, sidoo kale inaad ka feyjignaato inay xidhiidh dhecaan ama dhiig idin dhexmaro dadka xanuunkan la nool,

Ugu danbayn,Anigoo ku abtirsada bahda caafimaadka, waxaan talo siin lahaa madaxda wasaarada caafimaadka Somaliland iyo Soomaaliya-ba. waxaan leeyahay bulshadeenu aad bay u nugushahay,waxay u baahan yihiin wacyigelin aad u farabadan.

Waxaa jira dhalinyaro badan oo baratay cilmiyada caafimaadka ee aadka u khusayso wacyigelintan iyo wax ka sheega xanuunada noocan oo kale ah,fadlan ka shaqaysiiya oo u ogalaada inay fikrado iyo aqoonkorodhisiga idin la wadaagaan si ay beri dadkooda iyo dalkooda wax ugu taraan,waxaan u hambalyaynayaa Sarkaal ka tirsan wasaarada caafimaadka oo ka digay halista xanuunkan,laakiinse waxaan sarkaalkaa farayaa weli bulshada kuma fila wacyigelinta xanuunkan.”

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Isniintii Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay Somaliland ku dedaalayso sidii ay dalkeeda iyo dadkeedaba uga xakamayn lahayd inuu ku soo fido Cudurkaa khatarta ah ee sida aadka ah ugu baahaya dalalka Galbeedka Qaaradda Afrika dadka badanna ku laayey, isla markaana ay marinnada Somaliland laga soo galo ee garoommada diyaaradaha, Dekedaha iyo Xuduudaha dhulka ee ay la wadaagto dalalka Jaarka ah ee Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya u dirayso Shaqaale si gaar ah uga hawlgali doona, baadhitaanna ku sameeya guud ahaan dadka waddanka soo galaya, si ciddii EBOLA VIRUS qabta loo karantiimeeyo oo aan bulshada loogu soo dhex-daynin.

Waa markii u horreysay ee uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ka hadlo waxa uga qorshaysan iyo tallaabada ay ka qaadayaan ama qaabka ay uga qayb-qaadanayaan Xakamaynta Baaxadda leh ee dawladaha Caalamku dalalkooda kaga badbaadinayaan inuu gaadho ama ku fido Xanuunka EBOLA VIRUS, iyaga oo dalalka qaarkood uu Xanuunka ka dillaacay la karantiimeeyey, isla markaana duullimaadyadii ka tegi jiray ee waddamada kale u duuli jiray la joojiyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.