Gobollada ay Abaaraha, Cunto-yarida & Biyo la’aantu ka jirto Soomaaliya oo ay Dhibaato kale soo food-saartay

Muqdisho(Aftahannews):- Cabsi ammaan-darro, ayaa hor-taalla Gaadiidka loogu talo-galay in gurmadka lagu gaadhsiiyo gobollada iyo degmooyinka ay baad la’aanta iyo biyo la’aanta dhulka Abaaruhu ka jiraan ka taagan ee dalka Soomaaliya. Waxaana sidaa lagu shaaciyey Shir ay Golaha Wasiirradu Isniintii maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

IMG_6112

IMG_60921 IMG_6094

Waxa ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Shirkaas deg-degga ah ee ay Isniintii yeesheen kaga dhawaaqeen in waddanka ay ka jiraan Abaaro aad u baahsan oo halis badani ka dhalan karto, iyagoo Guddi Wasiirro ah u saaray wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Guddiga Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha Cabdi Axmed Baafo.

Waxaanay Guddigaas oo toddobaadyadii hore Golaha Wasiirradu u saareen Abaaraha, ay Shirkoodan ku soo bandihgeen Warbixin ay ku soo ururiyeen saamaynta Abaaraha, Xaaladda Ammaanka gobollada Abaaruhu ku habsadeen iyo sida ay meelaha qaar u adag tahay in wax gar-gaar ah la gaadhsiiyo, kuwaasoo ah deegaannada ay Malleeshiyada Al-Shabaab haysato.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dawladda Soomaaliya, ayaa shaaciyey meelaha ugu daran ee Abaaraha iyo biyo la’aantu ka jirto, iyagoo War-murtiyeedka ay ka soo saareen oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews.com, waxa uu u qornaa sidan hoose ku qoran:-

“BAAQ KU WAAJAHAN XAALADAHA ABAARAHA DALKA

1. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliyeed waxaa uu shir aan caadi ahayn Guddiga Gurmadka Degdegga kaga dhageystay warbixintii ugu dambeeysay ee ku saabsanayd xaaladda abaaraha iyo cunto-yarida dalka ka taagan.

1. Goluhu waxaa uu ku dhawaaqayaa in gobollada hadda ugu daran xagga saameynta Abaaraha ay yihiin Gedo, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, xaaladaha bani’aadamnimana ay ku sii kordheeyso maalinba maalinta ka dambeeysa. Baahida dadka tabaaleysan waxay isugu jirtaa biyo, cunto iyo gargaar caafimaad.

2. Xukuumadda oo u qoondeeysay lacag dhan 500,000 doollar, waxa ay toddobaadka soo socda ka bilaabeysaa biyo-dhaamin gobollada harraadka uu ka taagan yahay. Waxaa kale oo Xukuumadda u qorshysan in sida ugu dhakhsiyaha badan gaargaar cunto lala gaaro dhammaan gobollada cunt-yaridu ay ka jirto.

3. Xaaladda amni-darro ee ka dhashay jidgooyada argagixisada ay ku hayso gobollada abaarta iyo cunt-yarida ka jiraan waxa ay carqalad ku tahay qorshaha hawlgalka gurmadka. Waxaa kaloo Xukuumadda u muuqatay in AMISOM ayan weli jawaab ka bixin codsiyo fududayn gaarsiin cuto deg-deg ah oo loogu talagalay dadka ku nool gobollada tabaaleeysan.

4. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu u adeego dadwenihiisa, hase yeeshee ma haysto qalab ku filan oo uu keli ahaan uga soo baxo waajibaadka gelbinta gawaarida raashiinka gurmadka wadda.

5. Xukuumadda waxa ay u mahad-celineysaa dowladaha iyo hay’adaha durba ku dhaqaaqay gurmad degdeg ah iyagoo ka jawaabay baaqii ay hore u soo jeedisay Xukuumadda; arrintaasina waa mid dhiirrigelin leh.

6. Xukuumadda waxa ay AMISOM iyo deeq-bixiyeyaasha ugu baaqaysaa in ay gacan ku siyaan Xukuumadda xil-gudashadeeda si dalka looga badbaadiyo khatartii abaarihii 2011 oo kale. Waxaa loo baahan yahay in hadda si xoog leh loogu jeesto hawlaha gargaarka inta arrinta ayan gaarin heer aad u ba’an oo macaluul iyo dhimasho ay dhacdo.

Deegaamada ugu daran ee Abaaruhu ka jiraan ayaa waxa ka mid ah Degmooyin hoos taga Gobolka Geddo, Bakool iyo Bay, sida lagu sheegay warbixino saraakiisha dawladda laga helay, iyadoo meelahaas qaarkood ay gacanta ku hayaan kooxaha alshabaab.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ku dhawaaqday in abbaaro iyo cunto yaraan baahsani soo foodsaartay gobollada soomaaliya, macluulna ay la soo dersayso kumanaan carruur ah iyo maato kale.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.