Khasaare Baaxad oo ka dhashay Dhul-guriir ku dhuftay China iyo Hawlgallada Kooxda Gurmadka

Yunnaan(Aftahannews):- Ugu yaraan 398 qof ayaa ku dhimatay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dhulka miyiga ee gobolka Yunnaan oo ku yaalla Koonfurta-galbeed ee dalka Shiinaha, waxaana halkaas ku baro-kacay kumannaan qoys iyo toban kun oo Aqallo ahina way ku burbureen, kaasoo ay dadka deegaanku sheegeen inuu yahay dhul-gariirkii ugu xoogga badnaa ee gobolkaas ka dhaca 14-kii sano ee ugu dambeeyey.

BURBURKA DHUL-GARIIRKA CHINA GEYSTAY

140803232127_china_quake_top_624x351_reuters _76720462_023398360ap _76731114_76731112_76720095_76719036

_76720462_023398360ap (1) _76712210_chinayunnan4640714

Hawlwadeenada gurmadka ayaa isku dayaya in ay halkaasi geeyaan waxyaabaha sida aadka ah loogu baahan yahay, sida teendhooyinka, bustooyin iyo cunno, balse waxa ay la harjadayaan sidii ay ku gaari lahaayeen qaar ka mid ah magaalooyinka ku yaala gobolkaasi buuraleyda ahi.

Kooxaha gurmadka ayaa habeenkii oo dhan ku howlanaa dayactirka waddooyinka kaliya ee gala deegaanka sida ba’an uu ugu dhuftay dhul-gariirkaas oo dhacay Axaddii toddobaadkan ama shalay. Hase-ahaatee, Roob aan kala joogsi laheyn iyo dhul go’ soo noqnoqday, ayaa ka hakiyay howlwadeennada gurmadka in ay gaadhaan tobannaan kun oo qof oo uu saameeyay dhul-gariirkaasi.

Inta badan dadkii ka badbaaday dhul-gariirkaasi ayaa ku howlan dedaalka samato-bixinta, iyagoo burburka hoostiisa ka baadhaya dadka la la’yahay ama dhintay ee ku hoos-jira dhismayaasha dhul-gariirku burburiyey ama dumiyey.

Mid ka mid ah Haweenka deegaanka oo Ooyeysa ayaa sheegtay in Tuuladeeda ay u eg tahay goob lagu dagaallamay oo kale, iyadoo dhulka ay daadsan yihiin Meydadka Dadka iyo Burburka Guryuhu.

Deegaankan, ayaa caan ku ah dhul-gariiryo baaxad leh, waxaana dadka deegaanku ay sheegayaan in ay dareemeen in dhul-gariirkaasi uu xoog badnaa, kaasoo Cabbirkiisa lagu sheegay 6.1 heerka cabbirka dhul-gariirka.

Hal magaalo oo kaliya, ayaa waxaa ku burburay saddex meelood laba meelood oo ka mid ah guryihii halkaasi ku yaallay ama ka dhisnaa muddo tobannaan sano ah, iyadoo haatan ay magaaladaasi u muuqato mid aan la dayac-tiri karin sannado badan burburka Dhul-gariirkaasi soo gaadhsiiyey awgii.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.