Guddiga Dhex-dhexaadinta Khilaafka Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo Go’aanno soo saaray

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga isu-xil-saaray Dhex-dhexaadinta khilaafka ka dhex-qarxay Guddigii Fulinta iyo Hoggaankii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa kulammo gaar gaar ah oo ay dhinacyada iskhilaafsan, ayaa markii u horreysay ka hadlay dhex-dhexaadintooda, isla markaana caawa soo saaray go’aanno dhawr qodob ka kooban oo hor-dhac ah.

SOLJA-LOGO1

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Odayaasha Saxaafadda Somaliland ee ku hawlan dhex-dhexaadinta dhinacyada is-khilaafsan ee Ururka SOLJA Weriye Maxamed Cabdi Ilig, ayaa lagu faahfaahiyey hawlaha ay Guddigu qabatay iyo hor-dhaca waxa uga soo baxay dhinacyada ay la kulmeen ee khilaafku ka dhexeeyo. Waxaanu qoraalka Warkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews u dhignaa sidan:-

Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafka SOLJA

                     04/08/2014

WAR-SAXAAFADEED:

UJEEDDO: Go’aamo Hordhac ah

Guddi ka kooban Odayaasha Saxaafadda Somaliland oo Ergo dhex-dhexaadin ah ka galay khilaafka soo kala dhex-galay Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, waxay soo saartay;

1.         Waxaannu ka mahad-celinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee Ururka SOLJA ay si Masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen Ergada Odayaasha Saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.

2.         Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen ka dib kulammo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballan-qaadeen in sharciga loo noqdo, Ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.

3.         Guddiga Ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aannada. Dhammaan Warbaahinta kala duwanna waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qayb-qaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka Ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo Sumcaddiisa.

Magacyada Guddiga:

1.         Xuseen Cali Nuur

2.         Axmed Ducaale Bullaale

3.         Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)

4.         Maxamed Aw Aadan

5.         Maxamed Cabdi Ilig.

ALLAA MAHAD LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.