Ujeeddada Weftiga IGAD ee Hargeysa ku sugan & waxyaabaha Somaliland ay ka wadahadleen

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ururkaas u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa maanta kulan albaabadu u xidhnaayeen la qaatay labada shir-guddoon ee baarlamaanka Somaliland.

Waxa ay Weftigan oo shalay booqasho ku yimi Hargeysa ay hore ula kulmeen Xxubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Dibedda iyo Caafimaadka, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo khuseeya dhinaca doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka dambe iyo shir lagaga hadlayo arrimaha caafimaadka oo Somaliland lagu marti-qaaday.

Kulanka albaabadu u xidhnaayeen ee maanta dhex-maray IGAD iyo shir-guddoonnada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida oo waxyaabaha ay kaga wada-hadleen aan si rasmi ah loo ogeyn, ayaa haddana labada dhinac oo saxaafadda la hadlay kulankooda ka dib, waxa ay sheegeen in ujeeddada kulankoodu ku saabsanaa arrimo khuseeya dhinacyada doorashooyinka iyo sii-xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo urur-goboleedka IGAD.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.