Faransiiska oo ka hadlay Xasuuqa Yuhuuddu ku hayso Falastiiniyiinta iyo wararkii u dambeeyey ee Qasa

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Faransiiska, ayaa si kulul u cambaaraysay Xasuuqa ay Yuhuudda Israa’iil ku hayso Shacabka Falastiiniyiinta ku dhaqan magaalada Qasa iyo nawaaxigeeda ee dhulka Falastiiniyiinta, wakhti ay Israa’iil ku dhawaaqday xabbad-joojin dhinac qudha ah, iyadoo ay sii waddo Duqaymaha ay ku hayso deegaannada qaarkood.
Netanyahu

Ra’iisalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu sii wadi doono weerarrada Qaza.

Isra’iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu jebiyay xabbad joojintii halka dhinac ahayd ee Isra’iil ku dhawaaqday.

Israa’iil ayaa goor sii horreysay Marinka Gaza kaga dhawaaqday waxa ay ku tilmaantay xabbad joojin dhanka bini’aadanimada ah oo socon doonto muddo toddobo saacadood ah, taasi oo billaabanayso saaka oo Isniin ah. Balse Xamaas ayaa ka digtay in xabbad joojintaas “aan lagu kalsoonaan karin”

Iyadoo Isra’iil ay sii wato duqeynta Qaza, ayaa Faransiiska si aan horey looga baran waxaa uu u cambaareeyay weerarrada Isra’iil ee Qaza, oo uu ku tilmaamay “xasuuq”.

Kal hore, xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa si xooggan u cambaareeyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay meel u dhow iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaal Marinka Gaza, waxa uuna weerarkaasi ku tilmaamay “Mid niyad jab ah isla markaana ah fal dambiyeed”.

Ban Ki-moonXoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay duqeynta Isra’iil ee Iskuul ay leedahay Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu ka argagaxay waxa uu ku tilmaamay duqeynta arxan darrada ahi. Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof.

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Chris Gunness, ayaa sheegay in loo baahan yahay in weerarkaasi lagu sameeyo baaritaan deg deg ah.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegaya in ay bartilmaameedsanayeen saddex ka mid ah dagaalyahanada Islamic Jihad oo saarnaa mooto maraysay meel u dhow iskuulkaasi Qaramada Midoobay, islamarkaana ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi oo magaalada Qaahira booqday Axaddii, ayaa ugu baaqay labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas in ay oggolaadaan qorshaha nabadda si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.

Xigasho BBCSomali.com.