Yuhuudda oo Dagaalkii u cuslaa13 Cisho Maanta ka fulisay Qasa iyo Tirada Falastiiniyiinta ay Xasuuqday

Qasa(Aftahannews):- Axaddii Maanta illaa xalay, ayaa aha saacadihii ugu darnaa ee ay Yuhuudda Isra’iil laban-laabeen weerrarada ay ku hayaan Shacabka Muslimiinta ah ee reer Falastiin ee ku dhaqan Qasa iyo hareereheeda, isla markaana ahayd maalintii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnayn 13 cisho oo ay socdeen duqaynta iyo dagaalka Yuhuuddu ku hayso Shacabka Falastiin.

Israel starts ground offensive in Gaza Strip

666x405 _76401443_76401442

Waxaana duqaymaha iyo hujuunka Yuhuuddu ay ku wadaan Shacabka Falastiin ay maanta ku dileen in ka badan Lixdan Falastiiniyiin ah iyo saddex iyo toban Israeliyiin Askar ah, ayaa ku dhintay dagaalka Qaza ka socda oo ahaa maanta kii ugu xoogganaa tan iyo markii uu bilowday laba toddobaad ka hor.

Dagaalka ayaa ka socday Xaafada Shejaiya oo dad badan ay deggan yihiin ee Bariga Qaza. Dawladda Falastiin, ayaa ugu yeedhtay dilka Yuhuuddu ku hayso Shacabka Falastiin Xasuuq cad oo badheedh ah.

 Isra’iil ayaa sheegtay in saddex iyo toban Askari ay kaga dhinteen Qasa. Guryo badan ayaa ku dumay Shejaiya, kumanaan qofna waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda.

Xabad-joojin waqti gaaban jirtay, ayaa lagu oggolaaday in la gaadho dhaawaca iyo dadka dhintay. In ka badan afar boqol oo Falastiiniyiin ah, ayaa ku dhintay dagaalka iyo duqaymaha Cirka, Badda iyo Dhulka-ba ah ee ay ku hayso Falastiiniyiinta, dhawr kun oo kalena way ku dhaawacmeen, kumannaan kale oo reer Falastiin ahina way ku barakaceen tan iyo intii dagaalka ay Yuhuuddu ku bilawday Shacabka Falastiin oo maanta ay ahayd inta uu socdaa 13-aad, ahaydna maalintii ugu darnayd.

Dalalka Islaamka ee caalamka, ayaan weli jawaabta waajibka ku ah inay ka bixiyaan aan ka bixin Xasuuqa ay Isra’iil ku hayso Shacabka aan hubaysnayn ee reer Falastiin, marka laga reebo dalka Turkiga oo uu Raysal-wasaaraha Turkigu sheegay inaan loo dul-qaadan karin, isla markaana gacmaha laga laaban karin xasuuqa ay Yuhuuddu sida badheedhka ah ugu hayso Shacabka Falastiin ee dhinac walba ay ka gedoomisay Yuhuuddu.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.