Daawo: Xasuusta Xasuuqii Murugada lahaa ee 25-sano ka hor uu Taliskii Millaterigu u Geystay Dad aan waxba galabsan

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Himilo Media Group Madar Cabdi Axmed oo ku hadlaya magaca Maamulka iyo Hawlwadeenada Himilo Media Group waxa uu tacsi u dirayaa ehelada dadkii lagu xasuuqay Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 17-kii July 1989-kii, isla markaana waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo dadkaas iyagoon waxba galabsan la xasuuqay.

Madar-Cabdi-Axmed

Dadkaas oo uu xasuuqay Taliskii Macangaga ahaa ee Millateriga ahaa ee Soomaaliya ka talinayey wakhtigaas, waxay inta Xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho ku taalla lagu xasuuqay oo ahaa dad guryohooda Muqdisho laga ururiyey goor habeennimo ah, ayay tiradoodu dhammayd 46 qof oo dhammaantood dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland oo markaas ka mid ahayd Soomaaliya.

Akhristayaasha Himilo Media Group iyo Daawadayaasha Himilo TV, waxaan ku wargalinayaa inaan diyaariyey filim taariikhiya oo la yidhaa xasuuqii xeebta jasiira oo xambaarsan xog muhiim ah oo aad ku ogaan karto sidii xasuuqaasi u dhacay iyo sidii lagu ogaadayba, iyo waliba dareenka ehelka amase qoysaskii dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira.

Filimka Xasuuqa Xeebta Jasiira oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.

Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyee 46-ka qof ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 17-kii July 1989kii ayaa dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, kuwaas oo isugu jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare, sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.

Daawade waxaanu marti kaaga nahay inaad aragtida aad ka qaadatay daawashada filimkani ku soo gudbiso cinwaanka ah Email: madar088@gmail.com.

Gabo-gabadii waxaan u mahad-naqayaa guud ahaan cid kasta oo igala qayb qaadatay diyaarinta filimkan xasuuqa xeebta jasiira.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.