Dagaal u dhexeeya WADDANI iyo KULMIYE oo ka dhex Curtay Mudanayaasha Golaha Wakiillada

Eedaaha mudanayaasha mucaaridka ah u jeediyaan xukuumada + difaaca xildhibaannada muxaafidka

Hargeysa(Aftahannews):- Dagaal Siyaasadeed oo u dhexeeya Mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland, gaar ahaan xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE, ayaa ka dhex curtay mudanayaasha labada dhinac kala taageersan ee Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

GUURITADA IYO WAKIILLADA

Ma jiraan hadalo dhalliilo ah oo hoggaanka sare ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI isku mariyeen warbaahinta, balse taas beddelkeeda, dagaal-siyaasadeed culus oo ay hormuud ka yihiin mudanayaasha labadaas xisbi kala taageersan ayaa socda xildhibaananda Golaha Wakiillada oo waqtigan ku maqan fasaxa bisha ramadaanta.

bidix mudanayaasha mucaaridka ee Buubaa iyo Cabdiqaadir Jibriil

Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee taageersan xisbiga WADDANI, gaar ahaan Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, Md. Ibraahim Jaamac Rayte, Md. BashiirAw XuseenTukaale, Md. Cabdiqaadir Askar, Md. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo mudanayaal kale oo dhawr, ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhalliilo xooggan u jeedinayey xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga tallada haya ee KULMIYE, kuwaasoo ku eeddeeyey inay shuruucda dalka ku tumay, kuna fashilantahay waxyaabihii ummaddu u dooratay.

Hasayeeshee, waxa arrintaas ka gubtay mudanayaasha muxaafidka ah, gaar ahaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Md. Siciid Maxamed Cilmi, Md. Saleebaan Cawad Cali  (Bukhaari) iyo mudanaal kale oo muxaafid ah, kuwaasoo iyaguna dhinacooda xisbiga WADDANI ku eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya ee Muqdisho, habaar-na la daba taagan yahay xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Rayte

“Waxa kaloo aannu bulshada reer Somaliland, xukuumadda iyo cid kastaba u sheegaynaa in aynaan ku wada noolayn tolnimo, qaraabanimo, waxaynnu ku wada nool nahay ee lagu wada joogaa waa  sharciga, markaa haddii sharciga lagu tunto ma wada noolaan karayno, lamana wada joogayo, mana jirayso dawladanimo. Waxaan leeyahay muwaaddiniintu sharciga ha ilaaliyaan oo xuquuqdoodana ha ilaashadaan, cidda awoodda dawladda fulinaysaana sharciga ha ku dhaqanto. Awoodda dawladda ee ay fulinaysaa maaha mid uu gurigii hooyadii kale yimi amma awowgii ka dhaxlay ee waa mid sharcigu u dhiibtay. Hadduu jabiyo sharcigii u dhiibay isaguna awood yeelan maayo, waana in ninka masuulka ah hubiyo sharcinimada tallaabo kastoo uu qaadayo.” Sidaa waxa yidhi Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo waraysi uu Jamhuuriya siiyey dhalliilo kala duwan ugu jeediyey xukuumada tallada dalka haysa.

Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, Md. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Md. Bashiir Aw Xuseen Tukaale oo xisbiga WADDANI ka tirsan, ayaa iyaguna muddooyinkii u dambeeyey eeddo kala duwan u jeediyey xukuumada tallada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE, iyagoo sidoo kale ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo oo ku tilmaameen inay tahay mid aannu ka woodi karin inuu tallada dalka sii hayo.

Xildhibaan Bukhaari oo ka mid ah muxaafadka

Waxa eeddahaas si xooggan uga gubtay Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan xisbiga tallada haya ee KULMIYE, isagoo  saxaafadda u waramay toddobaadkan, ayuu Hoggaanka sare  ee xisbiga WADDANI ku eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay dawladda taagta daran ee Soomaaliya, fadhigeeduna yahay Muqdisho.

“Waxa kaloo jirta in WADDANI hoggaankiisa ugu sareeya, ay xaqiiqo tahay in ay dalka  Imaaraadka ay kula shireen Dawladda Xamar ee Xasan Sheekh iyaga oo leh,Waxaanu nahay raggii isku keeni lahaa Somaali ee naga war haya oo na taageera,” ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Cawada Cali (Bukhaari.

Waxa kaloo uu sheegay in hoggaanka ugu sarreeya WADDANI iyo xildhibaan Rayte ay caadaysteen inay mar kasta wax ka sheegaan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Somaliland, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu dhaawacayo qarannimada Somaliland.

Xildhibaan Nacnac oo horboodaya muxaafadka

Md. Cabdiqaadir Askar oo mudanaasha wakiillada ee xisbiga WADDANI ka tirsan, ayaa isna si xooggan uga cadhooday eeddaha xildhibaan Bukhaari ku sheegay in hoggaanka xisbigaas mucaaridka ah xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya, waxaannu Md. Askar sheegay inuu xaal ka bixiyey arrintaas, maadaama aanay ahayn mid saan sal iyo raad lahayn.

“Annigoo ku hadlaaya magacayga iyo magaca degaankaan aan ka soo jeedo, waxaan xaal ka bixinayaa hadalka ka soo yeedhay Xildhibaan Bukhaari, saaxiibkay oo si gaf ah uu ugu durayo Xisbiga WADANI, qoddobada uu ka hadlay xildhibaanku waxaan sheegayaa in aanay asal iyo raad toona lahayn, xisbiga mucaaridka ee WADANI cidna u daba fadhiisan maayo Qaranimada Somaliland, waana la ogyahay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyada bilawday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ,Xisbiga WADANI-na laba toddobaad ka hor ayuu ku dhaleeceeyay Xukuumadda in wadahadaladaas ay la galasho Soomaaliya aanay wax midho ah ka gaadhiin,” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Askar.

Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee dhinaca muxaafidka u janjeedha, ayaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo ka difaacay eeddaha mucaaridku u jeediyo, isagoo warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in itaal-darradu xisbiga mucaaridka ee WADDANI bartay inuu xukuumadda Siilaanyo la daba joogo habbaar iyo hafar, waxaannu tilmaamay in xukuumada KULMIYE dalka gaadhsiisay waxqabad iyo guulo badan.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

“Hafarka ay ku jiraan waxa ka sii daran waa “Habaarka” joogtada ah ee xubnahaas xisbiga WADDANI la soo fadhiyaan saxaafadda iyo saaxadaha siyaasadda.  Waxay marar badan ku celceliyeen “dalka waa lagu kala tegeyaa!”, “Tani sii jiri mayso!” “adduunku wuu ina cunaqabtaynayaa!” “cid dalka ka talisa la garanmaayo!” iyo ereyo ka sii daran oo aanan jecleysan inaan halkan ku muujiyo oo ay ku habaarayaan nolosha madaxda qaranka.  Bal eeg xadka ay gaadheen!  Waxaan isweydiiyey “Maxaa khayrqabayaasha ku kelifaya inay ilaa xadkaas dalkii belo u saadiyaan?!”  Jawaabta ugu mudan waxay tahay markay xisaabtameen oo miisaanka saareen waxqabadka iyo siyaasadaha cadcad ee xukuumadda waxay ka quusteen inay ku soo bixi karayaan doorashada sannadkan soo socda.  Waxay yiqiinsadeen inaanay dawlad shaqaysay dhug-dhug xukunka kaga ridanayn, markaasay habaar miciinsadeen.  Habaarku waa madfaca nin itaal waayay!  Waxa ka muuqata tabar-darro iyo aqoon-darro siyaasadeed, waxase u sii dheer [oo ka sii daran] ‘samir-darro,” ayuu Md. Siciid Maxamed Cilmi ku yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray maalintii Arbacda, isagoo WADDANI kula taliyey inay guddoomiyahooda ka hor inta aan madaxweynenimo heer qaran ah loo sharixin in marka hore loo tababaro sida uu u maamuli karo 82-ka mudane ee Golaha Wakiillada iyo miisaaniyadda ay ku shaqeeyaan, isagoo u duur-xulay in Guddoomiye Cirro ku fashilmay hoggaaminta Golaha Wakiillada.

Lama oga halka uu ku dhammaan doono dagaalka siyaasadeed ee ka dhex curtay mudanayaasha Golaha Wakiilada ee kala taageersan muxaafidka iyo mucaaridka xilli lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan, mudanayaashuna fasax ku maqan yihiin.

Xigasho Jamhuuriya.