Gaadhi Ka Baxay Jidkii uu marayey oo Meherado Salaamay!

Hargeysa(Aftahannews):- Shililka gaadiidka ee ka dhaca Magaaladda Hargaysa, ayaa mararka qaarkood waxay noqdaan kuwo layaab iyo amakaag ku keena bulshada, iyadoo marar badan ay ka dhacaan magaalada Baabuur intay waddada ka baxaan dadka ugu taga goobaha Maqaaxiyaha iyo Meheradaha,  ka dibna dhibaato ugu geysta cidda joogta ama fadhida Meheradahaas.

1465001_10152033964433535_309450691_n

1420372_10152033964238535_480301263_n

Sidaad aragtaan Sawirrada, Shilkan Gaadhi wuxuu ka dhacay Caasimadda Hargaysa badhtankeeda, gaar ahaan ka soo horjeedka Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel (Gargaar eeriya), waa mid ka mid ah Gawaadhida yar-yar oo ah kuwa hadda isticmaalkoodu aadka ugu badan yahay Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, waxaanu marqudha ka soo baxay waddadii loogu talogalay Gaadiidka.

Gaadhigaasi waxa uu galay Meheradaha waddada eegaya, waxaanu wax yeellayn lahaa dadka halkaas ama eeriyadaas wax ka iibsanayey, hase ahaatee nasiib wanaag waxay ahayd wakhti salaaddii hore ee shalay oo uu gaadhiguna inta uu kaabad sare kore haddana jiidhay Geed ay ku hoos-taallay Maqaaxi laga Shaaheeyo, isaga oo kala jebiyey Giidkii Shaaha Lagu hoos karin jiray.

Nasiib-wanaag wax dhibaato ahi kama soo gaadhin dadkii ku sugnaa afafka hore ee Meheradaha oo wakhtigaa koobnaa ama yaraa, wuxuuse u gaystay argagax xoogaan. Sidoo kale wax khasaare ahi kama soo gaadhin Derawalkii Gaadhigaas waday.

Dhibaatada ka dhalata Shilalka Gaadiidka, ayaa la tilmaama inay sabab u yihiin intooda badan, waddooyinka oo aad u yar-yar, isla markaana aan u habaysnayn maridda gaadiidka iyo tiro badnaanta gawaadhida oo marba marka ka danbeysa sii badanaya, taasoo ay barbar-socoto Khibrad-yaraanta Wadayaasha Baabuurta oo inta badan ay Ciidammada Nabdgelyada Waddooyinku ku doodaan inay khibrad-yaraanta wadista Baabuurtu sababto shilalka badankooda, inkasta oo aan marna la qaban karin waxa xagga Illaahay ka qoran.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland